Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo madaxa Somaliland u qaabilsan haayadda WHO ayaa maanta soo kormeeray cusbitaalka guud ee Hargaysa.
Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo madaxa WHO u qaabilsan Somaliland waxay soo kormeereen qaybta xarunta dhalinta ogsajiinta (oxygen) ee cusbitaalka guud ee magaalada Hargaysa.
Kormeeran oo ahaa mid lagu indho-indhaynayay habsami u socodka qaybta dhalinta (oxygen) cusbitaalka guud ee Hargaysa.
Halkaasoo lagu samaynayo balaadhin si kor loogu sii qaado addeeg-bixinta oxygen-ta cusbitaalka oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Caafimaadka iyo haayadda Caafimaadka adduunka ee WHO.
Intaa kadib masuulinta ayaa booqasho iyo kormeer ku tahay xarunta Qaranka ee hawlaha iyo gar-gaarka deg-dega ah.
Iyagoo mid mid u booqday qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay si ay ugu kuur galaan hawlaha shaqo ee ka socda Xarunta.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.