Gabiley (HargeisaPress)– Duqa Degmada Gabiley Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), oo ay weheliyaan Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac iyo Xildhibaan Cali Muxumed, ayaa saaka ka qaybgalay Olollaha Dhiig Shubista oo saaka si rasmiya uga billaabmantay Cusbitaalka wayn ee Gabiley.
Deeqdaada dhiigga ah waa fal samafal, naxariis, iyo wadaninimo, waxaana laga yaabaa inay noqoto sabab loo badbaadiyo nafta qof kale.
Dhiigga aad ku deeqdo wuxuu badbaadin karaa nolosha dadka u baahan gargaarka degdegga ah, shilalka, dhiigbaxa, umulaha, iyo xaalado kale oo halis ah.
Waxaan muwaadin kasta oo caafimaad qaba ku boorinaynaa inuu is xilqaamo, waxaana si gaar ah loo dhiirrigelinayaa dhallinyarada inay qayb muuqata ka qaataan gurmadka dadkooda.