Gabiley,(HargeisaPress) – Maayarka Gabiley Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti Iskugu jiray Dhakhaatir ku Takhasusay Maanka Iyo umulisooyin caafimaad oo ka socday dalka Sweden, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ayaan Habane, Hibaaq, Emma, Henna Iyo Caroline oo maalmihii u danbeeyay Tabobaro caafimaad Siinayay Shaqaalaha Caafimaad ee Maanka Gobolka.
Maayarka waxaa ku wehelinayay Kulankan Xildhibaan Cali Muxumed, Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac, Agaasimaha Cusbitaalka Maanka Dr. Cabdinaasir Sh. Ciise, Muxiyadiin Qalinle, Madaxa Maamul Daadajinta Caafimaadka Rudwaan Maxamuud Iyo Xoghanta Gaarka ah ee Maayarka Ayaan Ibraahim
Maayarka ayaa uga mahadceliyay waftiga doorka ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada caafimaadka ee Gobolka Gabiley, gaar ahaan tabobarrada, aqoon-isweydaarsiyada iyo isku xidhka hay’adaha caafimaadka ee gobolka.
Waxa uu xusay in Dawladda Hoose ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada lagu xoojinayo tayada caafimaadka iyo kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha caafimaadka ee deegaanka.






























