Maayarka Gabiley oo soo dhaweeyay Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan Golaha Deegaanka Jönköping ee Sweden

0
1334

Gabiley (Hargeisa Press)– Maayarka magaalada Gabiley Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax iyo Maayarka kuxigeenka Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Dowladda Hoose degmada Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan Golaha Deegaanka Jönköping ee dalka Sweden.

Soo dhaweynta, ayaa waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Cali Muxumed, Xildhibaan Mursal Maxamed Jaamac, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Cabdiqaadir Maxamed Cabdi, iyo Lataliyaha Sharciga ee Dawladda Hoose Maxamed Naasir.

Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, is weydaarsiga khibradaha maamulka iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xidhiidho waara oo kor u qaada adeegyada bulshada Iyo deegaanka.

Intaas kadib, Maayarka Ku-xigeenka iyo Xildhibaannada, ayaa Xildhibaan Ifraax Cali Kirix ku wareejiyay socdaal xog-ogaalnimo ah oo ay ku tagtay xarumo muhiim ah oo magaalada ku yaalla, sida: Maktabadda Qaranka ee Gabiley, Hoolka Golaha Deegaanka, Wadooyinka halbawlaha ah, Xanaannooyinka carruurta Iyo afarta xaafadood ee waaweyn ee magaalada Gabiley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here