Maayarka Gabiley oo kulan ka qaatay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista

0
714

Gabiley (HargeisaPress) – Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ee Magaalada Gabiley, kuwaas oo ay weheliyeen xubno ka socda Guddiga Wanaag Farista ee Caasimadda Hargeysa.

Maayarka magaalada Gabiley, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay ayaa Maayarka waxaa ku wehelinayay Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Gabiley, Mudane ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyo Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gabiley.

Kulankan oo saacado badan qaatay, ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta anshaxa, toosinta bulshada, iyo kor u qaadidda dhaqanka suuban ee Islaamka.

Gabagabadii, kulanka ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday is af-garad ku aadan xoojinta anshaxa iyo sidii bulshada loogu baraarujin lahaa dhaqanka suubban, isla-markaana kor loogu qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here