Maayarka Gabiley iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo ka arrinsadey badqabka Suuqa magaalada

0
983

Gabiley (Hargeisa Press)- Maayarka magaalada Gabiley, Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo wefti uu hoggaaminayay.

Kulankan, ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Khaalid Maxamed Hoori iyo Xildhibaan Cali Muxumed, Guddiga Suuqa Bacadlayaasha ee Gabiley, Masuulyiin ka tirsan Shirkadaha Korontada Sompower iyo Telesom.

Ujeeddada kulanka, ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa badqabka Suuqa Bacadleyaasha ee Gabiley, loogana hortagi lahaa khataraha dabka iyo korontada, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta wacyigelinta iyo saameynta qorshe wadajir ah oo lagu xoojinayo ilaalinta hantida iyo nolosha shacabka.

Kulanka kaddib, Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa kormeer ku tagay Suuqa Bacadlayaasha ee ugu weyn magaalada Gabiley.

Waxaana halkaas si toos ah loogu qiimeeyay xaaladda goobta suuqa iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee la qaadi karo si looga hortago dhibaatooyin mustaqbalka dhici kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here