Maayarka Degmadda Gar-adag Oo Digniin U Diray Waddeyaasha Gaadiidka

0
182

Gar-adag (HP): Maayarka degmadds Gar-adag ee gobolka Sanaag ayaa digniin u diray derawaladda gaadiidka u kala goosha gobolka Sanaag iyo gobollada kale ee Somaliland.

Maayarka Gar-adag Cabdillaahi Saleebaan Boobe, ayaa farriintiisu la xidhiidhay khataraha ka dhalan kara Daadadka roobka maalmahan ka da’ayay deegaankaasi.

Iyadoo na roobab mahiigaan ahaa oo shalay ilaa maanta ka da’ay degmadda Gar-adag iyo nawaaxigeedda in ay Daadad xoogani ka dhasheen.


Daadadkaasi oo sababay in gaadiid kala duwani ay saacado badan ku xanib-meen Togga ama Dooxa marra deegaankaasi.

DAAWO: Fariinta Maayarka Degmadda Gar-adag:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here