Nairobi (Hargeisa Press)- Maareeyaha Hay’adda horumarinta Waddooyinka Somaliland, Maxamed Faarax Cabdi iyo saraakiil ka tirsan hay’adda, ayaa waxaa ay kulan midho-dhal ah la yeesheen Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Wakiillada Midowga Yurub ee dalka Kenya.
Kulankan, ayaa waxaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan:
• Maalgelinta dhismayaasha wadooyinka
• Maalgelinta daraasadaha horudhaca ah
• Dayactirka iyo tayeynta wadooyinka
• Horumarinta xirfadaha shaqaalaha ku shaqada leh kaabeyaasha dhaqaalaha
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Maxamed Faarax Cabdi, ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub sida ay mar walba diyaar ugu yihiin taageerada iyo maalgelinta horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Gaar ahaan dhismaha Waddooyinka, kuwa hore u qabsoomay, kuwa haatan socda iyo kuwa qorshaysan mustaqbalka dhow.