Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland oo fariin u diray Ganacsatada

0
1132

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid, ayaa farriin u diray Ganacsatada kala duwan ee dalka Somaliland.

Maareeyaha, ayaa waxaa uu Ganacsatada Somaliland ugu baaqay inay khayradka dalka ku sameeyaan maalgashi horumarineed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dalka Somaliland leeyahay saddex khayraad oo waa weyn oo kala ah Kalluunka, Xoolaha iyo Beeraha.

Wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu baahan yahay in Ganacsatada dalku ay saddexdaa khayraad ee dalkeenu leeyahay ay ku sameeyaan mashaariic horumarineed oo tijaabo ah.

Saddexda khayraad ee uu dalku leeyahay, ayuu sheegay in ay ka shaqaynayeen dad shicib ahi.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid, ayaa sido kale xukuumadda ugu baaqay in iyaduna dhankeda ay mashaariic horumarineed ku samayso saddexdaa khayraad ee dalku leeyahay.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayuu u soo jeediyay in ay Wasaaraddaha Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha, laga maalgeliyo bajadka dowladda saddexdaa mashruuc oo ay Ganacsataduna soo eegato si uu dalku dakhli uga helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here