Berbera (HargeisaPress)– Kulanka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland Maxamed Sadiiq Cabdilaahi (Dhamme), iyo shaqaalaha waynaha xarunta ayaa maanta ka qabsoomay xarunta guud ee Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka, magaalada Berbera. Kulanka waxa diiradda lagu saaray wada shaqaynta, horumarinta kaabayaasha shaqada, iyo sidii adeegyada Terminalka loo sii horumarin lahaa.
Maareeyaha ayaa adkeeyay ahmiyadda wada shaqaynta, isagoo xusay inay tahay furaha guusha. Sidoo kale, waxa uu shaqaalaha la wadaagay dardaaranno la xidhiidha tayaynta shaqada iyo in Hawlaha qaranka la sii horumariyo. Intii kulanku socday, waxa uu si gaar ah xusay qorshayaal lagu kordhinayo tayada Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka iyo in la hagaajiyo kaabayaasha xarunta, si shaqada loogu qabto hufnaan iyo daacadnimo.
Gebogebadii, kulankan ayaa iftiimiyay sida Maareeyuhu ugu heelan yahay horumarinta adeegyada Haamaha kaydka Shidaalka Qaranka, iyadoo la sii amba-qaadayo wada shaqaynta iyo dedaallada lagu hormarinayo arimaha shaqada la xidhiidha.