Hargeysa,(HargeisaPress)- Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Group Abdirashid Duale, oo ka qaybgalay maanta munaasibada xilwareejinta iyo caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha la doortay, ku xigeenkiisa, iyo madaxweynihii hore iyo guud ahaanba bulshadda ka qayb qaadatay doorashooyinkii dhacay bishii November 2024.
Abdirashid Duale ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay maanta wufuuda ay ka mid yihiin safiirka Maraykanka, Safiirka UK, madax kale duwan oo ka timid Ethiopia, UAE, Kenya iyo Komishanka doorashooyinka qaranka iyo dad badan oo shacabka oo dhamantood si wanaagsan iyaguna hambalyeeyay Doorashooyinkaa sida wanaagsan u dhacay iyo nabada ah ee xilka labada madaxwayne ula kala wareegeen maanta.
Dahabshiil waxay mar walba dhiiri gelinaysaa horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyaradda iyo waxa kasta oo xoojinaya nabadda dhamaan wadamadda ay ka shaqayso oo gaadhayaa in kabadan 120 wadan.
#Dahabshiil #HorumarkaGobolka #Dimuqraadiyad #KobocintaDhaqaalaha