Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Oo ku guulaystay abaalmarinta Global Somali Award 2025

0
1383

Hargeysa,(HargeisaPress)– Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil group, Cabdirashiid Ducaale ayaa ku guulaystay abaalmarinta Maamulaha sanadka ee global Somali Award 2025 magaalada Columbus ee Dalka Maraykanka.

Isagoo hirgelinaya riyadii aabbihii Xaaji Maxamed Siciid Ducaale wuxuu Dahabshiil ka dhigay shirkadda Soomaalida ugu baaxadda weyn caalamka, iyadoo ka hawlgasha in ka badan 130 waddan.

Hoggaamintiisa aragti fog leh iyo dadaalkiisa ku aaddan baahinta adeegyada maaliyadeed ayaa horseeday in uu noqdo haldoorka shirkadaha bixiya adeegyadda maaliyadeed, sida Dahabshiil, Dahabshil Bank, DahabPlus, eDahab, iyo taageeraha ugu weyn ee qurbo-joogta Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here