“Ma sharcibaa in Ciyaartoy reer Somaliland ka soo Ciyaaran Xamar” Xisbiga Kaah

0
735

Hargeysa (HargeisaPress) –Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Mucaaridka ah ee KAAH Xasan Waraabacadde ayaa markii u horeysay ka hadlay ciyaartoy reer Somaliland ah oo ka soo ciyaaray magaalada muqdisho ee Somaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha ciyaaraha Xisbiga Kaah, ayaa u dhigna sidan hoose:-

“Sida aan ka warqabno waxaa Somaliland aay leedahay Horyaalo Iyo Tartamo kale sida Koobka FA ,Horyaalka Horyaalada,Tartamada Degmooyinka ,mararka qaar Gobolada ,iyo wixii la mid ahba.

Tartanka ugu muhiimsan waa Horyaalada kubada Cagta ee kasocda Gobolada Waaweeyn sidaa daraadeed dal waliba shuruucayuu leeyahay iyo xeer xakamaaynaya cayaaryahanku in aanuka tagi Karin kooxdiisa ilaa marka suuqa kala iibsigu furmo ay la kala wareegi karaan balse magaranayo meel aay ku taalo in Cayaaryahanku uu marba halkuu doono ka soo cayaari karowaxa uu heshiis kula jiraa Koox heerka Koowaad ah ama labaadah ama sadexaad ah sharciga fasaxaya in uu ka soo cayaaroXamar Degmooyinkeeda ama Dawlad Deegaanka ama Puntlandhalkuu ku yaalaa.

Cayaartooyda Heerka Koowaad waa heer qaran waxaana uu u cayaari karaa Xulka dalkiisa oo kaliya sideebaay ku dhici kartaain uu Xaafad ama degmo uu u Cayaaro.

Xisbiga Kaah waxa uu cod dheer ugu sheegayaa Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha in arinkaasi ka soconaayn ee aay waafajiyaan sharciga iyo qawaaniinta Xidhiidhka.

Waxaa xusid mudan in masuuliyiinta qaar aay hore u sheegeenin Cayaartooydu markaay tartano waayeen aay Xamar u tartamodoonteen sidaa daraadeed manta sideey ku dhacday in aay ku dhiiradaan in aay dhinac walba u Cayaaraan.

Xisbiga Kaah waxa uu si dhaw u la socdaa hadba waxa ku sookordha Cayaartooda iyo shuruucdooda isla markaana uu tooshkaku ifin doonaa hadba goldaloolooyinka Wasaarada iyoxidhiidhadaba.

Waxaan ku talinaaynaa in Cayaaryahanka ku dhaqaaqa sharcijabin talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.waxaa kaloo ku talinayaa in Kooxda uu ka Tirsanyahayna aay talaabo la mida kaqaado.

F.G Dunida melena kama jirto Cayaartooy  hadba halkuu doonoiska taga isagoo ka diiwaan gashan dakauu ka cayaaro.

Xasan Waraabacadde
Xoghayaha Cayaaraha Heer Qaran ee Xisbiga Kaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here