Lionel Messi oo Shaaciyey Kooxda uu Ciyaaraha kaga fadhiisanayo

0
613

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, ayaa shaaciyey qorshihiisa hawlgabka kubadda cagta, waxaana uu magacaabay naadiga uu ku soo gunaanadi doono kubadda cagta isaga oo meesha ka saaray kooxdiisii carruurnimadii ee Young Boys.

Lionel Messi oo ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka Argentina ee isku diyaarinaya tartanka Copa America oo ay difaacanayaan, ayaa ka warbixiyay bixiyey mustaqbalkiisa.

36 jirkan oo dalkiisa la qaaday Koobkii Adduunka 2022 ee lagu qabtay waddanka Qatar iyo Copa America 2021 oo ay dalka Brazil ka qaadeen, ayaa waxa uu sheegay in uu kubadda cagta kaga fadhiisanayo kooxdiisa hadda ee Inter Miami.

Waraysi uu siiyey warbaahinta ESPN ayuu ku yidhi: “Inter Miami ayaa noqon doonta kooxdaydii ugu dambaysay ee aan u ciyaaro. Laga bilaabo maanta, waxay noqon doontaa kooxdaydii ugu dambaysay.

“Wan jecelahay kubadda cagta, in badan ayaanan ku raaxaysaa sababtoo ah waxa aan ogahay wax walba, balse kooxdayda ugu dambaysa waa Inter Miami.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here