Kulan Nairobi Ku Dhexmaray Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Waddamada Deeq-bixiyeyaasha

0
1046

Nairobi(Hargeisa Press)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, oo ay kamid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo horumarinta siyaasadda, oo safar shaqo ku joogay maalmihii udanbeeyey magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, ayaa kulan la qaatay qaar kamid wadamada deeq bixiyayaasha ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha caafimaadka.

Weftiga wasiirku hoggaaminayo, ayaa sidoo kale kulan la qaatay qaar kamid Hay’adaha ay wada shaqeynta dhow leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka si looga wada hadlo arrimaha ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo halka ay marayaan, intaa kadib waffiga ayaa heshiis iskaashi farsamo oo la xadhiidha xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka la saxiixday Hay’adda PSI.

Heshiishkan oo u gogol xaadhaya in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo hay’adda PSI ay yeeshaan wada shaqeyn dhow, iskana kaashadaan sidii loo sii horumarin lahaa arrimaha halbawlaha u ah tiirarka caafimaadka, sida Adeeg-bixinta caafimaadka, xogta caafimaadka, xoojinta maammulka caafimaadka, kor-uqaadida wacyigelinta caafimaadka, adkaynta sahanka caafimaadka iyo ka hortagga xaaladaha deg-degga ah.

Heshiiskan waxa si wada jir ah u saxeexay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Mr. Martin oo metelayay Hay’adda PSI.

Saxeexa ka dib, waxa labada dhinac isla afgarteen in la dedejiyo sidii qodobada Ku jira heshiiska looga dhigilahaa kuwo fula muddooyinka inagu soo fool leh haduu Alle idhaahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here