Kulan dhexmaray Madaxda Wasaaradda Maalgashiga iyo Shirkadda Dp World

0
993

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Eng, Maxamed Cillmi Huuno iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdifataax Ismaaciil Ducaale, ayaa kulan is xogwareysii ah la yeeshay wefti ka socda Shirkadda Dp World oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Bariga Africa ee Shirkadda Mr. Supachai Wattanaveerachai.

Kulankan dhexmaray Wasiirka Maalgashiga Somaliland iyo weftiga ka socday Shirkadda Dp World, ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda.

Kulanka, ayaa waxaa uu qayb ka yahay kulamada lagu dardar-galinayo wadda shaqeynta Shirkadda Dp World iyo Wasaaradda.

Intii uu socday kulanku waxaa lagu falanqeeyey fursaddaha maal-gashi ee Somaliland ka jira iyo meelaha ay tahay in laga abaaro curinta mashaariic wax ku soo kordhiya koboca dhaqaale ee dalka.

Labada dhinac, ayaa waxaa ay is weydaarsadeen war-bixino la xidhiidha arrimaha ku saabsan fursadaha Maalgashiga iyo sidii looga faa’idaysan lahaa, iyadoona loo balamay kulamo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here