Hargeisa Press — Hadeynu Si Xaqiiq ah uga hadalno dakhli maalmeedka waagii beryaba soo gala Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Berbera,iyo dhibaatooyinka, iyo Duruufaha dhqaale xumo ee haysta shaqaalaha, guud ahaanba ka Shaqeeya qeybaha kala Duwan ee Dekedda ayaa ah mid uu qof kasta oo u kuurgala iyo cid kasta oo ogaataa, ama cid kasta oo damiir lihi ay aad uga xumaanayso marka laga reebo Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor Xoor oo isagu waayo aragnimo badan u haysta dhibaatada iyo dulmiga haysta Shaqaalaha ku nool Kuleylka iyo Mushkiladaha xagaaga ee Saamynta Cimilada ah ee kajirta Deegaanka Berbera. Hadaba hadeynu ku horeynu dhinaca Dakhliga mudooyinkan dambe usoo Xerooda Dekedda ugu Weyn Somaliland ee Marsada Berbera gaar ahaan bilihii u dambeeyay,ee Juulaay iyo Juun oo ay Dekedda kasoo degeen Afar shirkadood oo ah Shirkadaha qaada Koontiinarada islamarkaana, aanay Maraakiibtoodu si xidhiidh ah uga kala gu,in Socdaalkooda iyo Ku Xidhashadoodu Dekedda bishii ugu dambeysayna ay yimaadeen ilaa 6500 oo Kontiinar(Lix iyo shan boqol),waxaana la ogyahey in Dekedda lagaga qaado Markabka sida Kontiinarada(Port Chaurch) ama loo yaqaan kharashka Rogista iyo Saarista Kontiinarada kharashka Guulka baroosinka ee mudada uu ku xidhan yahey Dekedda Markabku iyo waliba waxyaabaha kale ee loo fududeeyay(all Service) Sida aynu ognahayna Kontiinarada uu Sido Markabku waxa laga qaadaa qiyaas ahaan kontiinarka 20ft ah 119$dollar (Boqol iyo Sagaal iyo toban) dollar, oo lacgata Mareykanka ah halka ka 40ft ah laga qaado 218$dollar(Laba boqol iyo Sideed iyo toban)dollar taas oo marka ay Kontiinarada aynu sheegaynaa kawada degaan Markabkana dadka Ganacsatada ah ee Badeecaduhu ugu jiraan laga qaado kharashaadka loo yaqaan khidmada Dekedda(hunduling-church),hadeynu tafsiiraad kasii bixino calaa kontiinar waxa ay noqoneysaa kan aynu kor kusoo xusney ee 20ft 220.5$(laba boqol iyo labaatan iyo konton santi) oo lacagta dollarka Mareykanka ah halka ka 40ft ahi noqonayo 441$dollar (Afar boqol iyo afartan iyo kow) lacagta dollarka Mareykanka ah marka la isku daro labada dhinacba ama labada Qeybood ee aynu ukala saarney culeyska iyo rarka kontiinarada, iyo walaiba kharashaadka khidmada ah ee Ganacsatada laga qaada waxey noqonayaan 300 5500$dollar,(Sadex Milyan shan kun iyo shan boqol)oo lacagta Dollarka Mareykanka ah iyadoo dakhligaasi soo xeroodo marka laga duulayo xaqiiq ahaan Bishii kali aheyd ee Sanadkan,iyadoo ay jiraan kharashaad badan oo kale oo la socda intan guud marka ah ee aynu ka hadalnay. Waxa kale oo intaa dheer,Weelasha sida badeecadaha kaarkooga ah ee Dekedda Berbera kusoo xidha,kuwaas oo aan maalina maalin ku darin Tusaale ahaan, sida Sibidhka, Bagaashka, iyo Gaadiidka cusub ee ka yimaada Dubai kharshaadka laga qaado oo noqonaya marka si dhab ah la iskugu daro lacag aan ka yareyn marka lagu qiyaaso rasmi ahaan 200500$dollar(Laba milyan iyo shan boqol oo kun)oo lacagta dollarka Mareykanka ah, isku soo wada xoori oo dakhliga intaa leegi waxa uu ku siman yahey run ahaantii mudo bil ah waxaan ka badneyn,inkastoo ay Dekedda Berbera waxyaabaha kasoo Dega ee Ganacsatada kala duwani kazoo dejiyaan iyo maraakiibta kharashaadkoodu waxey Dekeddu ka kharasha badan tahey boqolkiiba shan iyo lixdan inaanu dakhligaasi kazoo xeroonin Dekedaha Soomaalida iyo kuwa dalalka Geeska Afrika intooda badan haseyeeshee, waxa ka aradan kana ooman Shaqaalaha ka shaqeeya Dekedda Berbera hadeynu Tusaale usoo qaadanana Sarkaalka ugu sareeya Dekeddu waxa uu mushahar u qaataa wax ka yar boqol dollar 100$, oo lacagta Mareykanka ah waxaanay Gancasatadu isku xilqaameen kadib markii ay arkeen dhibaatada haysata shaqaalaha habeen iyo maalinba usoo jeeda ee dulmiga iyo daryeel la,aantu haysato kharash koban oo loo yaqaan(Over-time) iyadoo kharashkaasi uu xiligan Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor u isticmaalo kharashaadka loo yaqaan(Puty-cash)ama kharash maalmeed uu danihiisa gaarka ah ku fushado. Sikastaba ha ahaatee Guud ahaanba Shacbiweynaha Reer Somaliland Xukuumada Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Hay,adaha dalkuba waxa ay ka warqabaan in Kharashaadka kasoo Xerooda Dekedda Marsada Berbera aanay habayaraatee ku xeroonin khasnadaha dakhliga Dowlada kuna jirin Miisaaniyada sanadeedka,iyadoo taasi jirto ayay marka dhinac kale laga eego ay Xukuumada uu hada Madexweynaha ka yahey Madexweyne Siilaanyo, ay had iyo jeer ku haaraami jirtey Xukuumadii ka horeysay in aanay dakhligaasi kusoo xeraynin khasnadaha guud ee dalka iyo Miisaaniyadaba waxaana lawada ogyahey in Shaqaalaha Dekedda waxna ka rara waxna ka soo dejiya ee Geeluhu, iyo shaqaaluhuba ay Xiligii Xukuumadii Udub ahaayeen, kuwii Codka ku siiyay Xisbiga Kulmiye markii uu Kursiga doonayay Dhibaatada iyo Dulmiga Cali Xoorxoor ku hayo awgeed haseyeeshee, mar kale isagii oo aan biyo ismarin lagu soo celiyay islamarkaana, uu uga miisey halkii hore, waxa ay xogtani daah fureysaa in ay illaahay ka baryayaan in arintoodu ku dambeyso Nabsi Maalku Geediga Hayinkuu Ku Guuraa.
Maxamed Carab
Hargeysa,Somaliland