Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Digniin U Diray Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye

0
2526

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay digniin culus u direen Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye.

Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan oo goordhawayd warbaahinta la hadlay, isaga oo ay la fadhiyaan xubnaha kale ee guddidaasi, ayaa sheegay in xubno Wasiirro ah iyo mas’uulliyiinta Kulmiye ah ay farogelin ku hayaan shaqada Guddida Doorashooyinka.

Muuse Xasan, guddoomiyaha guddida doorashada Somailand, ayaa digniin kama dambays ah u diray xukuumadda iyo xubnahaasi Kulmiye ka tirsan ee uu sheegay in shaqada guddida ay soo farogeliyeen.

Xubno ka tirsan Wasiirrada Somaliland, ayaa shalay sheegay in ay waajib tahay in qalabka isha sawira lagu geli doono Doorashooyinka Somaliland, arrintaasi oo u muuqada in guddida doorashooyinku ka cadhoodeen maadaama oo hawshu iyaga u taallo guddi ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here