Hargaysa (HP): Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha labaad Xisbiga Waddani oo maanta ka furmay Hargeysa.
Guddoomiye Cirro, ayaa khudbadiisa kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, siyaasadda arrimaah dibedda, doorashooyinka iyo qorsheyaasha Xisbiga Waddani ee doorashada madaxtooyada ee soo socota.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo jagada Guddoomiyaha ee Xisbiga Waddani, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga Waddani.
Khudbadan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:
Hageisa Press.com/Hargeisa Office.