Khilaaf ka dhex qarxay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya

0
1136

Muqdisho (Hargeisa Press)- Xildhibaanada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf aad u xoogan oo ay ku kala qayb sameen.

Xildhibaanada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxaa ay ku kala qayb sameen in xubinimada laga qaado Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed jaamac.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa golaha aqalka sare u soo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, isla-markaana uu maqnaa 4 kalfadhi oo xidhiidh ah, isagoo aan soo gudbin wax cudur daar ah, sidaas daraadeedna uu lumiyay xubinimadiisii aqalka sare.

Candi Xaashi, ayaa sheegay in raysal wasaare Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Suleymaan Iidle, oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax, kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh inuu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka.

Hadaba, qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka horyimid in xubinimada laga qaado Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ahna xildhibaan ka tirsan golaha.

Waxaana ay xildhibaanada goluhu sheegeen in raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya shaqo qaran uu ku maqnaa muddadaas.

Xildhibaan Cismaan Obokar Dubbe oo ka mid ah Xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa ka mid ah xildhibaanada ka horyimid.

Waxaanu ku eedeeyay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya inuu adeegsanayo awood sharci darro ah oo uu ku doonayo inuu xubinimada kaga xayuubiyo senator Saalax Jaamac oo ah raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa dib u dhigay in Ibraahim Suleymaan Iiidle loo dhaariyo xubinimada aqalka sare, kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado  Saalax Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here