“The Risks of Social Media and How Threatens Government Services”
Xilligan casriga ah ee dhijitaalku uu adeegayo, baraha bulshada sida TikTok, Facebook, Snapchat, iyo YouTube ayaa si weyn u beddelay habka isgaarsiinta ee arimaha bulshada. Baraha bulshada waxay bixiyaan fursad loogu talagalay in si degdeg ah loo wadaago wararka, loo helo is-dhexgal toos ah, loona gaaro dadweynaha si fudud. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka aan xadidnayn ee masuuliyiinta dawladda iyo dadka u ololeeya baraha bulshada ee Somaliland ayaa halis weyn ku haya hufnaanta iyo daacadnimada hay’adaha dawladda iyo dayacnaan weyn oo ka muuqata masuuliyaddii loo diray.
Taa beddelkeeda, halkii baraha bulshada looga faa’iideysan lahaa sidii qalab loogu adeego daahfurnaanta iyo maamulka suuban, waxay noqdeen madal lagu buunbuuniyo nafta iyo qofka Masuulka ah xitaa isagoon waxba qabaneyn, laguna faafiyo warar been abuur ah, laguna mashquulo hawlo aan muhiim ahayn, taasoo ka jeedisa masuuliyiinta xilalkooda dhabta ah ee danta guud. Waxaa laga dayrinayaa in qaar badan oo ka mid ah masuuliyiinta dawladda ay hadda mudnaanta siinayaan samaynta iyo baahinta muuqaallo gaagaaban halkii ay xoogga saari lahaayeen maamulka iyo adeegyada ay u hayaan shacabka. Tani waxay dhaawac ku tahay kalsoonida dadweynaha, hufnaanta shaqo ee hay’adaha dawladda, iyo horumarka guud ee dalka.
Inkasta oo baraha bulshada loo adeegsan karo kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo muujinta arrimaha muhiimka ah, haddana marka ay gacanta u gasho dad xilal haya oo si qaldan u adeegsada, waxay taasi dhaawacdaa hay’adihii dowladeed waxayna horseeddaa dhaqan masuuliyad darro ah oo sii kala dilaya nidaamka dawladeed.
Somaliland waxay joogtaa meel muhiim ah oo isgoys ah. Iyadoo ay si xawli ah u kobcayaan tiknoolajiyadda cusubi, waxaa lagama maarmaan ah in masuuliyiinta dawladdu ay si masuuliyad leh oo xadidan u adeegsadaan baraha bulshada. Dawladdu waa in ay tallaabo cad ka qaaddaa arrintan si aanay u wiiqin hannaanka shaqo ee hay’adaha dawladda, loogana hortago in la carqaladeeyo horumarka dalka.
Abdirahman Warsame Nour is the Country. Director and the founder of Center for Democracy and Governance-CDG