Jig-jiga: Madaxweyne Cagjar Oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Fasalka 12aad

0
303

Jig-jiga (HP): Waxaa maanta guud ahaanba dalka Itoobiya ka bilaabmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyadda sare   ee sanad dusgiyeedka 2020-ka iyo 2021-ka ee dalkaasi.

Waxaana imtixaankaasi dhinaca dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya u fadhiistay in ka badan 12000 kun oo arday.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, ayaana imtixaankaasi si rasmi ah maanta uga daah-furay magaaladda Jig-jiga.

Waxaanu madaxweyne Cagjar, ardayda imtixaanka u fadhiisatay u rejeeyay in ay guul iyo natiijo fiican ka keenaan imtixaankaasi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here