James Swan oo Loo Magcaabay Ergeyga Qaramada-Midoobay Ee Somaliland iyo Soomaaliya

0
672

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa waxaa uu James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u magcaabay inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan, ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, ka dib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa uga mahadceliyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Somaliland iyo Soomaaliya xilligan adag.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalaya kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha qaranka Somaliland, ayaa uga mahad-naqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay u soo wada shaqeeyeen.

James Swan, ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Ka hor, wuxuu sidoo kale uu soo noqday Danjiraha Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Mareykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha debedda Mareykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here