Jabuuti Oo Lacag La’aan Ka Dhigtay Badeecadaha Itoobiya Ka Dhoofinayso Dekadaheedda

0
979

Jabuuti (HP): Dawladda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa lacag la’aan uga dhigtay dhamaanba badeecadaha kala duwan ee dekadaheedda ay ka dhoofinayso dawladda Itoobiya.

Abuubakar Cumar Xahdi, madaxa dekadaha iyo goobaha cashuuraha ka caagan ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in u jeedadda tahay sidii ay dawladda Itoobiya uga caawin lahaayeen dhinaca dhaqaalaha oo laga yaabo in uu saamayn ku yeesho xanuunka Corona Virus.

Sidaas darteedna ay cashuurta uga daayeen badeecadaha Itoobiya uga soo degaya dekadda Jabuuti iyo si ganacsatadu ay hawlahoodda ganacsi u sii wataan.

“Waa wixii ka baxaya, ee ay aduunka u dhoofinayaan. Waxaanan muddo 60 maalmood ah uga dhignay lacag la’aan (free) lacagtii laga qaadi jiray rarista maraakiibta.

Dekadaha Jabuuti ay ka dhoofinayso Itoobiya, ee ay u dhoofinayso aduunka” ayuu yidhi Abuubakar Cumar, oo u waramay BBC.

Madaxa dekadaha iyo goobaha cashuuraha ka caagan ee dalka Jabuuti, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda ay ka leeyihiin arrintaasi, waxaanu yidhi, “U jeedadu waxa weeye, xanuunka Corona Virus wuxuu saamayn ku yeeshay wadamo badan oo aduunka ah.

Dhaqaalihiina saamayn weyn ayuu ku yeeshay. Marka xanuunkaasi laga soo kabto, ee uu dhamaado waa in aanu dhaqaalihiina raacin. Sidaas darteed, dadka macaamiisha noo ah ma jeclin in ay suuqa ka baxaan”.

Geesta kale Abuubakar Cumar Mahdi, waxa uu sharaxaad ka bixiyay noocyadda badeecadaha ay Itoobiya ka dhoofiso dekadaha Jabuuti.

Waxaanu yidhi, “Waxyaabo kala duwan ayay isugu jiraan, oo ka mid ah waxyaabaha beeraha ka soo go’a. sida Bunka, Biiniska ama Faasooliyaha, xoolaha nool.

Imikana Itoobiya waxay soo kordhisay waxyaabo ay soo saaraan wershadaheedu. Dhawr wershadood oo ganacsi ayaa laga hirgeliyay oo waxyaabaha ay soo saaraan ay dhoofiso Itoobiya”.

Dekadda dalka Jabuuti waxay leedahay oo ka jira waxa loo yaqaano Aagga xorta ah ee cashuuraha ka caagan, iyadoo aan markii hore wax cashuur ah laga qaadi jirin waxyaabaha Itoobiya uga soo dega.

Hase yeeshee lacagtan imika laga daayay badeecadaha Itoobiya uga soo degaya Jabuuti ayaa ah lacagtii adeega.

Sida uu sheegay madaxa dekadaha Jabuut. Waxaanu yidhi,  “Dekadu waxay leedahay aagga cashuuraha ka caagan, oo marka hore-ba cashuur lagama qaadi jirin, balse waxaan imika dhaaftay, waa lacagtii adeegga”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here