Jaamacadda Hargeysa oo martigelisay Shirka sanadlaha ee mashruuca dhisida Jaamacaddo xoogan

0
787

Hargeysa (Hargeisa Press)- Jaamacadda Hargeysa, ayaa martigelisay shirka sanadlaha ah ee mashruuca DHISIDA JAAAMACADDO XOOGAN (PSU) kaas oo ay maalgeliso Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark iyaga oo maraya hayโ€™adda Deeqaha ee Denmark (Danida).

Mashruuca, ayaa waxa ka wada shaqeeya oo iska kaashadda Jaamacaddo badan oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Roskilde, Jaamacadda Southern Denmark, Jaamacadda Gulu ee Uganda, Jaamacadda SUZA ee Zanzibar, Jaamacadda Hargeysa ee Somaliland, Jaamacadda Copenhagen, iyo Xarunta Danida Fellowship Centre.

Shirweynahan mashruuca DHISIDA JAAMACADDO XOOGAN oo sanadkii hore ay martigelisay Jaamacadda GULU ee Uganda, ayaa sanadkan ay martigelisay Jaamacadda Hargeysa.

Waxaana shirwaynaha lagu lafo-guri doonaa horumarka laga sameeyay mashruuca sanadkii u danbeeyay iyo qorsheha sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here