Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Rwanda oo heshiis ku kala saxeexday Kigali

0
1001

Kigali (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamed Axmed Sulub, iyo Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacadda Rwanda, Assoc. Prof. Kayihura Muganga Didas, ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda ku kala saxeexday heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MOU).

Heshiiskan muhiimka ah wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashi muddo dheer ah oo ku saleysan in si siman looga wada shaqeeyo kor u qaadista awoodaha tacliimeed iyo hayadeed ee labada Jaamacadood, isla-markaana laga qayb qaadato horumarinta aqoonta iyo horumarka gobolka.

Wuxuu dejinayaa heshiiskan is-afgarad hannaan iskaashi oo dhiirrigelinaya is-dhaafsiga tacliimeed iyo cilmiyeed, kobcinta khibradda waxbarasho ee ardayda iyo macallimiinta, iyo ka qayb qaadashada cilmi-baadhis iyo hal-abuurnimo meelaha ay danaha ka wada leeyihiin labada Jaamacaddood.

Iskaashiga lagu xusay MOU-ga waxa uu daboolayaa dhowr meelood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

1. Is-dhaafsiga macallimiinta iyo shaqaalaha

2. Barnaamijyada is-dhaafsiga ardayda

3. Cilmi-baadhisyo wadajir ah

4. Horumarinta manhajka iyo iskaashiga barnaamijyada waxbarasho

5. Wadaaggista agabka tacliinta

Labada jaamacadood waxay sidoo kale baadhi doonaan fursado ay ku qaban karaan munaasabadaha dhaqanka iyo waxbarashada ee wadajirka ah, barnaamijyada kobcinta awoodda ardeyga, iyo dadaallada iskaashi ee lagu aqoonsanayo laguna fulinayo mashaariic wadajir ah, oo ay ku jiraan raadinta maalgelin dibadeed.

Heshiiskan oo shan sano ah, wuxuu bud-dhig u yahay ballanqaad ku saleysan horumar wadajir ah kaas oo dhexmaraya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Rwanda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here