Jaamacadda Camuud Oo Madaxweyne Cagjar Ku Casuuntay Shahaadadda PhD

0
389

Boorama (HP): Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha DDS Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar, ayaa gaadhay degmada Aw-barre ee gobolka Faafan oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee shacabka magaalada.


War-baahinta degaanka oo waraysi la yeelatay qeybo shacabka ka mid ah ayaa yidhi “Madaxwayne ku soo dhawow deegaankaagii iyo degmadaadii oo dareen farxadeed ay kugu qaabilayaan shacabkeedu”.
Madaxweynaha Deegaanka iyo madaxwehnaha Camuud Foundation ayaa degmada ka dhagax-dhigay maktabadda wax akhriska Aw-barre oo ay hirgalinayso hay’adda Camuud Foundation.
Maktabaddan oo ay ku baxayso adduun lacageed oo ku dhow 40 milyan ayuu madaxweynahu ballan-qaaday in xukuumaddu ay ku darsanayso saddex milyan oo Birr.


“Qurbo-joogta u dhashay degmada labay isugu jiraan, kuwo waa kuwo hawsha aan maanta joogno waxtarkeeda leh, kuwana waa kuwo ka shaqaynaya isku-dirka iyo kala-geynta ummadda Soomaaliyeed” madaxweynaha Jaamacadda Cammuud, Professor Saleebaan Axmed.
Odayaal-dhaqameedka degmada ayaa ka marag-kacay isbaddelka ka dhacay Deegaanka Soomaalida oo ay nabadgelyadu sal-dhig ut ahay, “Hore dhib ayaa soo daashaday shacabka Aw-barre, maantase mahad Ilaahay gees illaa gees nabadgelyo iyo xasillooni ayaa la iskaga kala gooshaa”.
Waxa ay sida oo kale xukuumadda ka codsadeen adeegyadda horumarineed oo ay ka mid yihiin; caafimaadka, waddada, adeegga bangiga i.w.m.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka deggan Aw-barre ay saddex shay caan ku yihiin:
1. Soomaalinnimada iyo midnimada.
2. Waxbarashada iyo aqoonta.
3. Nabadgelyadana caan bay ku yihiin. Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in xukuumadda maanta jirta ay saddexdaaba u yihiin qorshayaasheeda ugu waa-weyn.


Waxa uu madaxweynuhu sheegay in tabashooyinka degmada ay dowladdu wax ka qaban doonto haba u horreyso caafimaadka oo hirgalintiisa la qorsheeyay.
Ugu dambayn, Jaamacadda Camuud ayaa madaxweynaha DDS ku casuuntay in ay siin doonto shahaadada usarraysa ee Honorable Doctarate (PhD), maaddaama uu yahay madaxwaynihii koowaad ee xasiliyay amniga shacabkiisa kana shaqeeyay horumarka ummadda.
Madaxweynaha ayaana ka mahad-naqay cusuumadda ay ufidisay Jaamacadda Cammuud, go’aankoodana ka aqblay.

Xigasho: SRTV Somali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here