Jaamacada Admas Iyo Ururka Somaliland Group Of Development Oo Soo Qabanqaabiyay Dood Celmiyeed Lagaga Hadlayo Aafada Qabyaalada + SAWIRRO

0
866

Hargeysa, (HargeisaPress) — Jaamacada Admas Univesity Ayaa Habeenkii xalay ahaa soo qabanqaabisay dood cilmiyeed lagaga doodaayo sidii la iskaga tirtiri lahaa ama looga fogaan lahaa qabyaalada.

xafladan oo ay iska kaashadeen Ururka  Somaliland group of development iyo Jaamacada Admas oo ka qabsoontay barxada Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir xigeenka Qorshaynta qaranka, Maamulka Jaamacada, Guddoomiyaha Hargeysa Cultural, Arday, waalidiin iyo marti sharaf kale oo tir  Ugu horayn waxa halkaasi tafasiil ka bixisay Muuna Casayr oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi   “kulankan waxa soo wada qaban qaabiyay Somaliland group of development iyo Admas hadaba maxaa tahay sababta loo qabtay waxa weeye dhawaan waxa soo baxday aafo meelahaas laga sheekayn jiray oo maanta jaamacadihii soo dhex gashay, dhamaan jaamacadaha dalka ayaanu ku qabanaynaa kulankan laakiin jaamacada Admas ayaa kow ka noqotay .

SAM_7879.JPG

Dhinaca kale yo Waliab Cabdilaahi Cawil Faatax oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacada ADMAS oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ” kolay anaga arday ahaan waxaanu samaynay daraasado oo jaamacadaha iyo fakalkiska waxaanu ku araganay in loo qayabso reer hebal iyo reer reer koolay taasna waa heerka ay maanat qabyaaladu inaga marayso .

Waxa munasibadaasi hadalo ka soo jeediyay Jaamac Muuse Jaamac “ kolay umadeedan waa xanuusanaysaa oo ka siyaasiga ah iyo ka sheekha ah iyo ka dhakhtarka ahab way xanuusanayaan oo waxa ay la xanuusanyaan qabyaalda hadab waxa inugu waajib ah in aynu soo jeedino sidii aan iskag tirtir lahayin qabyaalda, waad la soctaan heerka ay marayso qabyaaldu kolay intiina u badan waxa ay is waydiinaysaa wiilkii yaraa ee wadaniyada inoo qadayay tallow waayo taasn waxa kale maah ee waa qabyaalda.

Sir Maxamuud oo ah macalin waxa ka dhiga jaamcada admas ayaa dhankiisa halkaas hadalo ka soo jeediyay “anuu kama soo hor jeedo in ay qabyaaldu xuntahay ee waxan leeyahay bahashu waa noolaanaysaa markaa ka hadli mayo qabyaald ee waa qabiil qabiilooyinka ilaahay ayaa sameeyay mana baabayaan lakiin sida xun ee loo isticmaalo aynu ka saarno .

 

Taan diidanahay waxa weeye inta la caayo oo la caayo in hadan lugu dhaqmo waxay keenbaysaa laba arimood oo munaafaqd ah qofkastoo cayaa hadan wuu ku dhaqmaa inagoo waxa kale eegayin waxa la yidhaa qoldeenii reer hebal isku dhaandhintii u dambaysay maxaa aynu ka helay aniguna waxaan leeyahay qabyaalda halaga fogooda.

Waxa sido kale hadalo kooban munasibadaasi ka soo jeediya Wasiir Cabdikariim Axmed Mooge “anigu horta qoladan Somaliland group of development isma naqaan qoladooda oo walle ayaa iga tahay hadan waa dhalinyaro ka shaqayo la dagaalanka qabyaalda oo aan ku walaalo noqonay la daagaalnak qabyaalda mana donayo in aan qabiiladooda barto markaas waxa weeye aqoon iyo qabyaalda aan is qabayin .

Aqoontu waa in ay soo saartaa dad ehel u ah wanaag oo iyagu iska jiraa qabyaalda iyo qaraabo kiilka aqoon yahanku waa ka soo jeedinaaya xeeladah ama wadad loo maraayo hiigsiga ay umadani leedahay markaas aqoon yahanka laga rabaa in ay wado jeexaan anigu waxaan leeyahay waa in aan ka dheeranaa Qabyaalda .

Gabagbadii waxa halkaasi su’aalo iyo jawaabo  isku way daarsaday Ardaydii, marti sharaftii iyo waliba masuuliyiinta, waxaanay ka tashadeen sidii loo dabar jari lahaa Qabyaalada.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here