Itoobiya oo Soo Bandhigtay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda

0
1181

Addis Ababa (Hargeisa Press) Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya ee NISS, ayaa shaacisay in 34-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab lagu soo qabtay howlgal, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal Argagixiso inta lagu guda jiro xilliga fasaxa.

War-saxaafadeed ay soo saartay NISS, ayaa lagu sheegay in tuhmanayaashan lagu soo qabtay hawlgallo amni oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka ee Soomaalida iyo Oromada.

“Eedeysanayaasha waxay si qarsoodi ah u maleegeen una diyaarinayeen inay weeraro argagaxiso oo xooggan ka geystaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, Oromiya iyo dowlad deegaanka Soomaalida markii la qabanayay,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

“Al-shabaab waxay doorteen xilliyada Ramadaanta Islaamka iyo kuwa Masiixiyiinta ah ee Easter-ka si ay u khal-khal-geliyaan xasilloonida Itoobiya, iyagoo weerarro argagixsada ah maleegayay, balse qorshahaas waxaa fashiliyay markii si taxaddar leh loo sameeyay howlgallada hay’addaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka ee kooxdaan ka dhanka ahaa,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Bayaanka NISS, ayaa sidoo kale lagu sheegay in laga soo qabtay guriga eedaysanayaasha hubka noocyadiisa kala duwan oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa culus iyo sidoo kale dukumiintiyo xisaabeed oo Bangi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here