Itoobiya oo Somaliland siisay dhul ay ka dhisato safaaradeeda Addis Ababa

0
2843

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo safaaradda dowladda Somaliland ku yeelan doonto magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dhulkaasi oo ay dowladda Itoobiya ugu deeqday markii ugu horeysay dowladda Somaliland, ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay dhagax dhigan Ambasatorka Somaliland u qaabilsan Midawga Afrika AU iyo shaqaalaha Safarada Somaliland ee dalkaasi.

Ugu horayn waxa warbixin ka bixiyay dhulkaasi la siiyay Safaarada Somaliland, Wakiilla Somaliland u qaabilsan xafiiska ganacsiga ee safaaradu ku leedahay magaalada Addis Ababa Yusuf Axmed Cali isaga oo ka wakiil ah Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya, Waxaanu ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibedda Dibada ee Somaliland dhagax dhiga dhulka safaaradda.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Ambassador Cabdillaahi Maxamed Ducale oo ka waramay baaxada uu leeg yahay dhulkan safaarada la siiyay.

Waxaanu boggaadiyay dhamaanba hawl wadeenada Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya shaqada fiican ee ay qabteen iyo masuuliyada ay hayaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa isna u mahadnaqay dowladda Itoobiya oo ka mid ah saaxiibada waawayn ee Somaliland iyo hawl wadeenada Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya.

Waxaanu wasiirku sheegay in si dhakhso ah ay u dhisi doonaan dhismahan cusub ee safaaradu yeelan doonto.

Safaaradda Somaliland oo hore dhisme kiro ah ugu jirtay, ayaa tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay yeelato dhul ay leedahay waxaanay arintani soo xoojinaysaa xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here