istataraatiijiyado Uu Madaxweynaha Somaliland Ka Faa’idaysanayo Oo La Shaaciyey

0
15

Oslo (HargeisaPress) – Nidaaminta Qorsheyaasha Horumarinta Qaranka iyo ka faa’idaysiga istaraatiijiyadaha qoran, ayaa ka qayb ka ah in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu si habsami leh u hoggaamiyo Qaranka Somaliland, xilligan oo xaalado adagi ka taagan yihiin gobolka Geeska Afrika ee Somaliland ku taallo.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa si hufan uga faa’idaysanaya istaraatijiyadaha muhiimka ah, sida heshiiska Itoobiya ee la xidhiidha aqoonsi Somaliland hesho, ka dib dedaal socday 33-kii sano ee u dambeeyay.

Sidaa waxa sheegay Safiirka Somaliland u jooga Norway Ambassador Maxamed Aadan Liilan oo Maanta soo saaray war qoraal ah oo uu kaga hadlay qodobbo muhiim ah, isagoo tusaale u soo qaatay Diyaarado Somaliland leedahay oo uu Maanta Madaxweynuhu daah-furay.

Ambassador Liilan ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Dhab ahaan, duuliyayaashu waxa ay isticmaalaan qorshayaasha duulimaadka, si ay ugu hoggaamiyaan Diyaaradaha waddooyinkooda, waxay qataan go’aano adag si sameeyaan isbeddelo wakhtiga ku haboon. Sidaa awgeed Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa Aqoonta Duulimaadyada uga faa’iideysan kara qorshaha istiraatiijiyadeed sida MOU-yada si uu u hoggaamiyo go’aan-qaadashadiisa. Aqoonta Qaab-dhismeedyadani waxay u oggolaanayaan inuu si nidaamsan u qiimeeyo khataraha iyo faa’iidooyinka, isaga oo hubinaya in go’aamadiisu inay la jaanqaadayaan danaha qaranka. Habkan nidaamsan, waxa kale oo uu ka caawinayaa inuu diiradda saaro xaaladaha adag, taasoo u oggolaanaysa inuu si hufan u hoggaamiyo dalka..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here