Israa’iil oo weerartay Kaydka Shidaalka ugu weyn Iran ee Tehran

0
1102

Tehran (Hargeisa Press)- Israa’iil ayaa caawa saacadihii dambe weerartay xarunta kaydka shidaalka ee ugu weyn caasimadda Iran ee Tehraan, halkaas oo ay ka geysatay qaraxyo waaweyn, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska New York Times, isagoo soo xiganaya sarkaal ka tirsan wasaaradda saliidda Iran. Wasiirka difaaca Israel Israel Katz ayaa yidhi “Tehran waa gubaneysaa.”

Raadiyaha ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in tobaneeyo diyaaradood oo dagaal ay ka qeybqaateen weerarradii dhawaan lagu qaaday Iran.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Iran ee Tasnim News Agency, ayaa sheegtay in Ciiddanka Cirka laga hawl-geliyey Caasimadda, halka Wakaalladda Wararka ee Mehr ay sheegtay inay Ciiddanka Cirka ka hortagayaan Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Israel ee ku sugan Hawada Tehran.

Weriye ka tirsan Israel i24 News ayaa xaqiijiyay, isagoo soo xiganaya ilo, in Israa’iil ay weerartay kaalin shidaal oo u dhow Tehran.

Iran, ayaa sheegtay in Kaydka Shidaalka ee Shahran oo ku yaalla Tehran lagu bartilmaameedsaday weerar ay Israa’iil geysatay balse xaaladda ay gacanta ku hayso.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil, ayaa sheegay in haweenay 20 jir ah ay dhimatay 13 kalena ay dhaawacmeen kadib markii uu gantaal ku dhacay guri laba dabaq ah oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil.

Tehran, ayaa hakisay wadahadaladii Nukliyeerka oo ay Washington ku sheegtay inay tahay habka kaliya ee lagu joojin karo duqeynta Israel, halka Ra’iisal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu sheegay in weeraradaasi ayna waxba ka jirin.

Milatariga Israa’iil, ayaa sheegay in gantaallo kale laga soo riday Iran oo ku soo jeeday Israa’iil gelinkii dambe ee Sabtidii, waxayna sheegeen in ay ku hawlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay weerarayso bartilmaameedyo milateri oo ku yaala Tehran. Telefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in Iran ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacday Israel.

Dhowr madfac, ayaa ka muuqday samada habeenkii ee dusheeda Yeruusaalem dabayaaqadii Sabtidii. Seedhiga duqeymaha cirka ah ayaan ka dhawaajin magaalada, balse waxaa laga maqlay magaalada Haifa ee waqooyiga Israa’iil.

Wareegii wadahadalada Nukliyeerka ee Mareykanka iyo Iran oo Axada berito lagu waday inuu ka furmo dalka Cumaan, ayaa la baajiyay, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Cabbaas Araqchi uu sheegay in doodaasi ayna dhici karin iyadoo Iran lagu hayo weerarada “arxandarada ah” ee Israel.

Weerarkii ugu horreeyay ee u muuqda in lagu weeraray kaabayaasha tamarta Iran, wakaaladda wararka ee Tasnim ee rasmiga ah ayaa sheegtay in Iran ay qayb ahaan joojisay wax soo saarkii gaaska ugu weyn adduunka ka dib markii weerar ay Israa’iil geysatay uu dab ka kacay halkaas Sabtidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here