In Ka Badan 2-Milyan oo Xujey Ah oo Maanta Gaadhay Mina

0
390

Mina (Hargeisa Press)- In ka badan 2 milyan oo Xujey ah oo ka kala yimid daafaha caalamka, ayaa maanta oo Jimce ah ku sugnaa Mina maalinta Tarwiyah iyagoo isu diyaarinayay maalinta ugu muhiimsan ee Xajka.

Xujaajta, ayaa raacay wadadii Nebi Muxamed (NNKH) ,iyaga oo ku guda jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Waqfa ee Carafa oo ah halka ugu sarreysa ee ay ka soo gutaan gudashada waajibaadka xajka maalintii Sabtida.

Gaadiidka iyo qorshaynta amniga oo hufan oo ay sameeyeen mas’uuliyiinta ay khuseyso, ayaa u ogolaatay cibaadeystayaasha in ay horumar wanaagsan sameeyaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Wasaaradda caafimaadka, ayaa diyaarisay in ka badan 34,000 oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad, farmasiilayaal iyo shaqaalaha maamulka si loo hubiyo badqabka xujeyda.

Waxa kale oo jira 730 ambalaas iyo todoba ambalaas hawada diyaar u ah si ay u bixiyaan gargaar caafimaad oo ay dadka u qaadaan mid kasta oo ka mid ah 189 cisbitaal oo gaar loo leeyahay, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka wareega.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in tan iyo 7-dii bishan June ay xarumaha caafimaadku ku sameeyeen 180 qalliin oo dhanka wadnaha ah oo lagu sameeyay xujaajta, in ka badan 470 qof oo cibaadaysanayayna lagu sameeyay sifaynta.

Ilaa Salaasadii, in ka badan 70,000 oo xujey ah,  ayaa ka faa’ideystay adeegyada caafimaad ee ay bixiso wasaaraddu, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Iyadoo meelaha qaar uu heer kulku gaadhay 43 digrii ayaa wasaaraddu ku boorisay dhamaan xujeyda in ay adeegsadaan dalladaha si ay isaga difaacaan kulaylka qoraxda oo ay biyo badan u cabbaan.

Dhanka kale, Lt. Gen. Fayyadh bin Hamed Al-Ruwaili, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada Sacuudiga ay door muhiim ah ka qaadanayaan ilaalinta dadka soo booqda. Waxa uu dhawaan kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay arrimaha xajka ee sanadkan si uu u hubiyo sida ay diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadka xajka.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Tawfiiq Al-Rabiah oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Iyadoo si buuxda loo diyaariyey goobaha barakeysan, waxaan si diiran u soo dhaweyneynaa dhammaan xujeyda gudaneysa waajibaadka xajka”.

Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in la hirgeliyay kaadhka Nusuk, kaas oo gacan ka geysanaya in la ogaado xujaajta la fasaxay iyadoo la siinayo tafaasiilkooda gaarka ah iyo macluumaadka ku saabsan hoyga ay ku sugan yihiin goobaha barakeysan. Qaadashada kaadhka waa qasab inta lagu jiro xilliga Xajka.

Wasaaradda D/Hoose iyo Reer Miyiga iyo Guryeynta, ayaa sido kale gacan ka geysaneysa sidii sanadkan xajka uu si wanaagsan ugu socon lahaa iyadoo goobaha barakeysan ay siisay 22,000 oo shaqaale ah iyo 88,000 oo haamaha qashinka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here