Sheeko na dhex martay aniga iyo islaan ii eedo ah maalin dhawayd: Eedaday: Eedo, Habar hebel waxay ka xunyihiin in aynu markeenii kursiga fuulno. Walee ragbaa inoo soo baxay….maxay inaga qaadi waynakaa fuulnee..Aniga: Oo eedo, maxaynu ku qabnaa kursiga, ninbaa dee umadu u dooratee..
Eedaday: Walee inaanad habeena jirin. Waar soo gun maynaan noqoneen haddii sanadkaas la inaga badin lahaa…. Walee, walee….
Aniga: Oo Eedo ma sidaasaynu ku gumoobi lahayn? Laakiin eedo, bal warkaa aan usoo noqonee, adigu noshaada iiga waran, maxaa inoo kala dambeeyey?
Eedaday: Walaahi eedo, 3dii inan ee jaamacada ka baxayna siddiibay u bilaa shaqo yihiin, suuqii aan wax ku iibin jirayna waaba kasii daray oo waxba kuma qabo, odaygiina waakii dagaalkii kusoo dhaawacmoo, bishii waxay nasiiyaan $25 oo ay naafo ku sheegaan…. Inantiina ninkii guursaday waa reerkaa mucaaridka noqdoo shaqaba waa loo diidey…
Aniga: Oo eedo, haddii inanka inanta inaga qaba shaqada loo diiday, kuwan aad dhashay ee iyagu muxaafidka ah miyaa midna meel loo waayey?
Eedaday: Dee eedo, kii ina Fartaag oo dawlada ku jiraan ula tagoo wuxuu igu yidhi: Hadaan meel geeyo waxa la ina odhanayaa reerkooduunbaa meesha laga buuxiyey…
Aniga: Oo eedo ina Fartaag sowka inankiisii iyo walaalkiiba shaqaalaysiiyey….iyo weliba inantii uu seediga u ahaa ee uu weliba meesha fiican geeyey. Ma kuwanaa si gaar ah loo arkayaa…
Eedaday: Hummmmmm….
2001-2010 ( Dahir Riyaale): Samaroon= Somaliland Cadaaladaanu ku jecelnahay.
2010-2017 (Siilaanyo): Habarjeclo= Dalkeena nimcaa fadhida
2017- 2018 (Muuse): Habar Awal: Dalka abaari kama jirto….kkkkkk
Kolba ninkii kursiga fadhiista ayaa malaha muraayad cagaaran loo geliyaa. Hargeysaa ooman markaasuu ku leeyahay dalka abaari kama jirto. Abaar haba la gaadhee horta ma soo qubaysatay?
Marka qofka maskaxdiisa iyo fikirkiisa la yeesho waxa uu noqdaa mishiin ama raadiyoo laga dhex hadlayo. Isbedelku wuxuu ka bilaabmaa in qofku/shaqsigu marka hore ka xoroobo xagga maskaxda. Haddii aanu qofku maskixiyan xor ahayn waxa dhacaysa in isagoo gaajoonaya loo sheego inuu dheregsan yahay, kadibna uu aamino inuu dheregsan yahay. Marka gaajadu ka badato ee uu jidhkii naafoobana isaga oo xanuunsanaya hadana loo sheego in uu caafimaad qabo.
Taas weeyaan tan maanta ina haysataa. Nin gaajoonaya oo xanuun la hadli kari la’ ayaad hadana arkaysaa isagoo ku leh: Reer hebel ayaa ka xun barwaaqada aynu haysano. Barwaaqadee dee? Barwaaqada haddii ay galeen niman aad isku reer tihiin, laakiin aad adigu gaajoonayso, ooman tahay, xanuunsanayso…. keebaad isku qadiyad tihiin? Kan reerkiina ah ee dheregsan laakiin ku qadiyey, mise kan reerka kale ah ee gaajoonaya ee xuquuqdiisii la lumiyey…… sidaadoo kale?
Nin liita oo Land Cruiser fuulay oo awood mooday inuu siigada ku afuufo masaakiin buulal degan ayaad u nasteexee oo aad wax usheeg is odhanaysaa, intaanu kuuba jawaabin kii buulka degenaa ayaaba dagaal kuugu soo baxaya oo isagii difaacaya. Toloow ma anaa waalan, mise dadkaygu waa sixran yihiin.
Waxa ugu daran marka kii aad u naxsanayd ee aad u dood lahayd lagugu soo diro. Illaahoow na dhowr.
Baahidu reer ma leh, xuduud ma leh, ceeb ma leh, welibana joogto ma aha oo waa wax laga bixi karo. Laakiin wax adkaynaya in laga baxo ayaa jira: Waa maskaxda la seexiyey ee beenta loogu sheegay in ay wax la leedahay ciddii gaajada baday marka horeba. Inta ay maskaxdaasu difaacayso ciddii gaajada iyo silica baday, waxa hubaala in qofkaasu ku jirayo gaajo, oon, mugdi iyo silic joogto ah.
Fariin: Inta aad u dhaaminayso ninkii kaa dhaansaday cidna ha u cadhoon, cidna ha u caban.
Yusuf Budle, NURP Chair