Iiraan oo si adag uga hadashay go’aankii Dowlada Sucuudigu ku jartay xidhiidhka labada dal

0
1086

TEHRAN, Iran  (HargeisaPress) — Iyadoo boqortooyada Saudi Arabia ay Axaddii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xiriirkii siyaasadeed u jartay dalka Iiraan, ayaa waxaa si kulul uga hadlay arrintan xukuumadda Tehran.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir ayaa xilli dambe ee shalay shaaciyay go’aanka dalkiisu uu xiriirka ugu jaray Iiraan, isagoo xusay in Dublamaasiyiinta Iiraan ay u qabteen inay muddo 48 saac gudahood ah uga baxaan Sucuudiga.

 

 

Tallaabadaas ayaa jawaab looga dhigay, kaddib markii safaaradda Sacuudiga ee magaalada Tehran ay ku xoomeen mudaaharaadayaal ka carreysan dilkii dowladda Saudi Arabia ay ku fuliyeen dhawaan Sheekh Nimr al-Nimr oo ahaa wadaad Shiico ah.

iran kh

Sidoo kale, Al-Jubeir ayaa sheegay in Waddankiisu uusan u ogolaan doonin dowladda Iran ay waxyeeleyso Ammaanka Sacuudiga iyo kan gooblka. Isagoo Tallaabadii lagu Weeraray safaaraddooda Iiraan ku tilmaamay mid fool-xumo ah.

 

Xukuumadda Iiraan ayaa cambaareysay tallaabadii ay xukuumadda Saudi Arabia ku jartay xiriirkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey labada waddan, waxayna sheegtay in taasi ay xiisad ka hurinayso gobolka.

 

Afhayeen u Hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Iiraan, Hossein Jaber Ansari ayaa sidoo kale Isniinta maanta ah sheegay inay dubalaasiyiinta reer Iran aysan weli kasoo bixin Sacuudiga, laakiinse la diyaariyay qaabkii ay uga soo bixi lahaayeen.

 

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan, Hossein Amir Abdollahian ayaa xusay in go’aanka Sacuudiga uu ku jaray xiriirka labada dal uusan weecin doonin Qaladkii Weynaa ee ay ku qaarijisay Sheekh Nimr al-Nimr.

 

Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan, ayaa iyaguna bayaan ku sheegay in dilka Sheekh Nimr uu hoggaamin doono dhicitaanka boqortooyada Saudi Arabia, inkastoo uusan sharaxaad ka bixin hadalkiisan.

 

Ugu dambeyn, waaxda arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xukuumadda Washington ay sii wadi doonto inay ku booriso hogaamiyayaasha gobolka inay qaadaan tallaabooyin lagu qaboojinayaan xiisada taagan.

 

Si kastaba ha ahaatee, Dalalka Saudi Arabia iyo Iiraan ayaa waxaa muddo fog u dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya qaab-dhaqanka labadan waddan, kuwaasoo sannadba sannadka ka dambeeya sii xoogeysanayay.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here