Hubka dhigista ciidankii Madaniga. Nabadeynta Ceergaabo iyo isfahamka Amniga Heshiiska Somaliland iyo Puntland waa saddex qodob oo mihiim u ah dowladdnimadda iyo xasiloonida JSL

0
346

Heshiisankan kuwa dhaliilaya waa kuwii qarameynta ciidamadamadda Madaniga diidana iyo Gogosha Nabadda Ceergaabo diidana.

Markii Madaxweyne H.E Cabdiraxmaan Cirro gogasha nabada ceergaabo dhigey. Waxey lahayeen guuleysan meyso. Maantana meel fican bey mareysa. Waxanse u sheegaya Nabadda ceergabo wey guuleysaneysa. Waayo noloshu waa nabadd nin ragina wuu garanayaa nacasna loo sheego maayo.

Hadaan usoo noqdo Isfahamka siyasadeed ee Amniga ee dhexmarey Somaliland iyo Mamul Goboleedka Puntland waa mid mihiima. Waana maamul goboleedka qudha ee eynu xuduud leenahey marka laga hadalayo dowladdnimo. In amniga laga wada shaqeeya labadda dhinacba dan baa inoogu jirta. Waayo caddow isku mida ayay ka gaashamanayaan horena wuu u jirey.

Hadaan idin xasuusiyo Xukumaddii Daahir Rayaale iyo Xukumadii Ahmed Siilaanyo. Wuu jirey. Waxana saldhig u ahaa in meel looga soo wadda jeesto. La dagaalanka Argagixisadda iyo budhcad badeeda.

Labaduna waxey cadow u yihiin maamulka dowladdnimadda iyo nabad galyadda iyo xasiloonidda gobolka.

Runtiina marka loo eego heer dowladdanimo waa mid caalamku ka wadda shaqeeyo. Somaliland iyo Ethiopia iyo Djabtui waxeynu ka wada shaqeynaya waa amniga waxana sabab u ah xududaha inaga dhaxeeya ee isu socodka

Calaamkana amnigu siyaasadd ma galo. Marwalba waxa lagu cabira cid walba oo aad ka wada shaqeyn kartaan amniga inaad kala shaqeyso. Waana (common Interest) masuuliyadd wadareed

Somaliland iyo Puntland wey ku khasban yihiin iney amaanka ka wadda shaqeyaan. Waxana ku soo koobaya. Hal ku dhegii Madaxweyne dahir Rayaale ee ahaa. Jaarkaaga adigu ma dooratid ilaahey baa ku doora. Reer puntland ilaahey baa ka dhigey jaarkeena. Markaa raga dhaliilayaa amniga iyo nabadda iyo xasiloonida laga shaqeynayo. Waa laba qolo.

Ragaan aqoonta dowladnimadda iyo juquraafiga dalka aqoon u laheyn iyo kuwo isleh siyaasadd ka dhex baadha. Balse mucaradaddi qodobadan kama furna.

Maanta hadaan tagto ceergaabo ilaa burco aad dadka wareysato. Waad dareemeysa nabadda iyo ciidamadii la qarameyey waxey dadka iyo dalka tarteen. Shacabku waxey ku odhanaya qarameynta inamadi madaniga ahaa iyo nabadii madaxweyne cirro ku dhawaaqey nololi noogama horeyn. Waayo dadku waxey dareemeen deganaansho iyo xasiloni

Umaddu waxey rabta xasilooni iyo nabad galyo waxey sugaayan horumar iyo mashariicda dowladu geyn doonto Gobolka Sanaag. Markaa nin meel iska fadhiya oo ka soo horjeeda in amaanka iyo nabadda laga shaqeeyo dhaliilayaa waa niman qaranka iyo dadka iyo dowladdnimadda midna dan ka laheyn.

Intoda badana waxa ku sababaya iney dhaliilaan waa siyaasadd xumo iyo xogogaal la’aan ku dhisan aqoon daro qarankana uma tudhayaan. Tuaasle ahaan mayorka hore Burco. Ma waxu rabey dagaal aanu waxba ku soo kordhineyn. ma waxu rahey in togdheer iyo sanaag noqdaan faran dagaal aan nabad iyo xasilooni ka jirin. Waan ka xumahey inuu sidaa u fekerayo.

Waxan xasuusta rag laha hadii cimadda madaniga qarameeyo dagaal baa lagu soo qaadaya togdheer iyo sanaag waana la qabsanaya. Sow mey beenobin.

Maantana waxey leeyahii nabada ceergaabo waxba kama suurta galayaan. Waxanse hubaa in nabadda ceergaabo dhamaneyso dalkuna cagta saarey jidkii horumar iyo dowladd wanaaga.

Isfahamka siyasadeed amniguna waxu soo kordhinaya in xogta la wadaago cid walba oo isku dayda iney ka shaqeyso amni daro in si wadda jir ah la isaga qabto. Xogtana la is weydaarsaddo.
Taasina waxey keeneysa in dadka iyo dalkuba nabad galaan aan cidina ku dhex dhuuman karin

Markaa shacabku reer Togdheer iyo Sanaag wey fahamsan yihiin. Qorshaha dowladdu waddo. Weyna arkeen in xukumaddu ka shaqeyneyso amni iyo xasilooni iyo degnaansho. Intaas marka la helo ayaa bulshadda horumarku gaadhaya ama ey iyagu ka fekerayaan ganacsi iyo horumar bulsho.

Qorshaha socda waa Guushii Somaliland ilaahey ha inoo barakeeyo. Ninka cidla wax ka dhaliilaya waa nin iska hadley. Waxeynuse leenahey waar waxii guul qaranka usoo hoyatey hambalyeeya.

Waa bilaahi Towfiiq.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here