Hargaysa (HP): Hormuudka guud ee waxbarashada jaamacada Alpha faraceedda magaaladda Hargaysa Prof. C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa soo xidhay tababar loo qabtay ardayda kuliyada arrimaha bulshada ee Jaamacadda Alpha.
Tababarkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa xidhitaankiisaa ku wehelinayay hormoodka Kuliyadda arrimaha bulshada Prof. Xamse Xaaji Maxamed.
Tababarkani oo ay bixinayeen khabiiro ku xeel dheer maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo horumarinta addeegyadda bulshadda oo ka socday haayadda shaqaalaha dawladda ee CSC. iyo machadka cilmi-badhista ee ISIR.
Waxana tababarkaasi looga gol lahaa in ardaydu ay helaan khibrad dheerad ah oo la xidhiidha culuumta ay bartaan, si ay qayb uga noqdaan horumarka addeegyada bulshadoodda.
Xidhitaanka tababarkaasi waxaa hadalo ka jeediyay Hormuudka guud ee waxbarashada jaamacada Alpha faraceedda magaaladda Hargaysa Prof. C/risaaq Xaaji Xuseen, hormoodka Kuliyadda arrimaha bulshada Prof. Xamse Xaaji Maxamed.
Waxaanay ka warameen muhiimadda uu tababarkaasi u leeyahay ardayda wax ka barata kuliyada arrimaha bulshada ee Jaamacadda Alpha.
DAAWO WASIIRRO DHEERAAD AH:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.