Burco (HargeisaPress) – Alle ha u naxariistee, hooyo waayeel ah oo magaceedu ahaa Cibaado Axmed Seeraar, ayaa maanta ku geeriyootay dab qabsaday gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Hodan, ee degmada Faarax Oomaar, ee magaalada Burco.
Dabka ayaa si lama filaan ah uga kacay guriga daarta ah ee ay ku nooleyd marxuumaddu, waxaana si degdeg ah uga hawlgalay Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland, kuwaas oo ku guuleystay inay damiyaan dabka isla markaana maydka marxuumadda kasoo saaraan gudaha guriga.
Taliyaha Ciidanka Dabdamiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa tacsi u diray ehelka iyo qoyska marxuumadda, isaga oo ku booriyay bulshada inay si degdeg ah u soo sheegaan dhacdooyinka dabka si ciidanku u gaadho waqtigii ku habboonaa.
Sidoo kale, taliyuhu wuxuu bulshada xusuusiyey muhiimadda ay leedahay in si gaar ah looga war hayo dadka waayeelka ah iyo caruurta, maadaama ay yihiin kuwa nugul xilliyada musiibooyinka noocan oo kale ahi dhacayaan
Wuxuu shacabka xusuusiyey in marka ay arkaan dab ama dhacdo degdeg ah ay wacaan lambarka gurmadka ee 990, kaas oo ka shaqeeya shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.

















