Hargeysa (Hargeisa Press)- Warbaahinta dalka Hindiya, ayaa waxaa ay si weyn u qaadaa dhigeen xidhiidhka taariikheed, dhaqan dhaqaale ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxayeeyay Hindiya iyo Somaliland.
Warbixinta, ayaa waxaa sidoo kale lagu qaadaa dhigay ahmiyada istaraatajiyadeed ee Somaliland iyo fursada dahabiga ah ee lagu baraarujiyo xukuumada iyo siyaasiyiinta Hindiya oo loo soo bandhigay in ay ka faaidaystaan.
Warbixintan oo lagu baahiyay Wargeyska lagu magacaabo “The Real Voice of India” ama codka dhabta ah ee Hindiya oo u warama qaab wakaaladeed, ayaa si balaadhan u falanqeeyey arrimaha isagoo kasakow arimahaa hogo tusaaleeyey faa’idada Hindiya ugu jirta in ay aqoonsato Somaliland xiligan, waxuuna tilmaamay oo uu sharaxaad dheer ka bixiyey danaha labada dhinac iyo taariikhiyan fursada siyaasadeed ee ay ka dibaaqi karto Hindiya marka dib loo eego dhacdooyin mandaqada Asiya iyo Geeska Afrika.
Warbixintan lagu falanqeeyay arimahan, ayaa waxa lagaga waramay siyaada mandaqada ee xiligan ee dhinacyada geoploticalka, duruufaha yaalla marinka muhiimka ah ee kulaalayso Somaliland iyo carqalada ka jirta oo saamayn taban ku yeelatay ganacsiga aduunka iyo gaadiidka iska kala goosha dunida gaar ahaan marinka muhiimka ah ee babal-manadab oo isku xidha Badda Cas, Kanaalka Siways iyo Badweynata Hindiya, iyadoo magaalo xeebeeda Berbera oo ka mid ah marsooyinka ugu caalami san oo kulaalaya marinka ahmiyada wayn isla-markaana Somaliland ku guulaysatay in ay aaga ku toosan ee koonfurta Yemen ka soo eegaya marinka gacanka cadmeed ka dhigto mid amaana dhankeeda walow aanay helin taageero wayn oo dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale.
Sidaa awgeed waxa ay warbixintu ku talinaysaa in siyaasiyiinta Hindiya aanay beer dareyn fursadaa oo ay iskaashi la samaystaan Somaliland kaasi oo noqonaya iskaashi milateri, mid amni, mid dhaqaale iyo mid ganacsi oo loo racayo xidhiidhka taarikhiga ah ee ka dhaxeeyey Somaliland iyo Hindiya qarniyo ka hor.
Qadiyadda Somaliland bogcadda ay ku taalo ee geeska xiisaddaha ku hareeraysan, dadaalka aqoonsi raadinta iyo kaalinta ay dekedda Berbera ku leedahaya juqurafi ahaan manadaqada
Wargeyska Codka Hindiya, ayaa sidoo kale waxa uu warbixintiisa ku soo bandhigay raadadka xidhiidhka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyey labada bulsho ee Somaliland iyo Hindiya gumaystihii ka hor waxaanu yidhi, “Xidhiidhka soo ifbaxaya ee aan rasmiga ahayn ee u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland waxa uu bixinayaa daraasad xiiso leh oo ku saabsan xidhiidhka caalamiga ah. Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Hindiya iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Hindiya waxa uu ka soo bilaabmay ka hor gumaystihii markii marinnada badda ay ka buuxeen ganacsato iyo xoogsato la soo dejiyey. laakiin Qurba-joogta Hindida oo laf-dhabarta u ah qaabaynta qaab-dhismeedka dhaqaale ee gobolladii ay degeen, ayaa iyaguna Somaliland ku reebay raadad aan la tirtiri karin.
Dhaxalka is-dhexgalkaasi waxa uu ku qotomaa ganacsigii qadiimiga ahaa ee ka dhex curtay qaarad-hoosaadka Hindiya iyo Geeska Afrika.” ayaa lagu yidhi warbixintan lagu daabacay wargeyska Codka Hindiya.
Ka dib qabsashadii Roomaanku ee Boqortooyadii Nabataean iyo aasaaskii ciidamada badda ee Roomaanka ee Cadan si ay u xakameeyaan budhcad-badeedda, ganacsatada Carabta iyo kuwa Bariga Afrika waxay la kaashadeen Roomaanka si ay maraakiibta Hindiya uga ganacsadaan magaalooyinka xorta ah ee jasiiradda Carabta. Taas oo loo sameeyay si loo ilaaliyo danaha Somaliland iyo ganacsatada Carbeed kaas abuuray ganacsiga faa’iidada badan leh ee u dhexeeyay gacanka cadmeed iyo badda Mediterranean-ka.
Xusuusnow Somalilandta uu wargeyska ka hadlayaa waa boqolaal sano ka hor isagoo ka sheekaynaya raadadkii Somaliland iyo Hindiya ee xiligaa iyo ganacsigii layaabka lahaa ee ka jiray xeebaha Somaliland ka hor gumaystihii.
Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku xusay in raadadka ganacsiga ka dhaxeeyey Somaliland iyo Hindiya xiligaa fog ay wali raadadkeegii ka sii muuqdaan isagoo yidhi, “Raadadka ganacsatadii Hindida ahaa ayaa weli ka sii muuqda magaalooyinka dekedda leh ee Geeska Afrika gaar ahaan xeebaha Somaliland kuwaas oo ka madax bannaan faragelintii Roomaanka. Qarniyo badan,
baayacmushtarka Hindiya waxay gobolka ka keeneen tiro badan oo qorfe ah oo laga soo waariday Ceylon iyo Jasiiradaha Spice. Isha xawaashka, ayay hore Ruumaanka iyo Giriiggu u aaminsanaayeen in ay ahayd Geeska Afrika gaar ahaan xeebaha Somaliland, balse arinta waxay ahayd sirta u qarsoon ganacsiga Somaliland iyo ganacsatada Carabta.”
Wadashaqeyntaasi waxay sare u qaaday qiimaha qorfaha Hindiya iyo Shiinaha ee Waqooyiga Afrika, Bariga dhow iyo Yurub, waxayna ka dhigtay ganacsiga Beeyada xabka faleemka fooxaha qoriga laga sameeyo doonyaha haraga xoolaha, baalka gorayga iyo agab kale muhiima mid faa’iido leh, kasakow ganacsatada hindiya iyo carabta soo jiita ganacsatada kale dunida, gaar ahaan ganacsatada Somaliland oo ganacsigooda qaab xiligaasi ay uga rarayeeyn xeebahooda ay ahaayeen mid cajiiba iyo farsamooyin ay ku duugan tahay xadaarad iyagoo isticmaalayey gacmahood (Raris iyo rogista gaadiidka ah).
Waxii ka dambeeyey markii labada dalba ee Somaliland iyo Hindiya ay xornimada ka qaateen boqortooyadii midowday ee Britain, Ganacsigaasi u xuubsiibtey xidhiidh dhaqaale oo aan rasmi ahayn haddana muhiim ah.
In kasta oo aan aqoonsi rasmi ah laga helin, badeecadaha Hindida — marka laga reebo dunta iyo daawooyinka oo xiligan casriga ah soo gala suuqyada Somaliland.
Hasayeeshee wargeysku waxa uu warbixintiisa ku xusay in arintani ay markhaati u tahay awooda ganacsi iyo ahmiyada dhaqan dhaqaale ee Somaliland iyo Hindiya. Walow uu maal-gashiga Hindiya si tartiib tartiib ah u dhexgalaan qaybaha sida isgaadhsiinta iyo beeraha ee Somaliland.
Marka laga yimaado dhacdooyinka xidhiidhka taarikhiga ah, wargeysku waxa uu warbixintiisa si badheedha ugu muujiyey muhiimamada ay Somaliland u leedahay in ay kamid noqota qaramada adduunka iyo doorka ay ka ciyaari karto gobolka iyo isku xidhka ganacsiga iyo dunida inkastoo oo uu xusay guullaha Somaliland gaadhay tan iyo markii ay la soo noqotay qarinimadeedii luntay 60kii iyo nidaamka dimuqraadiyada ee ay taaba galisay oo ka dhigay Somaliland mid lagu majeerto marka laga hadlayo Geeska Afrika iyo meel badan oo dunida ah walow aanay garowshiyo ka helin beesha caalamka.
Waxa uu wargeysku hogo tusaaleeyey in aqoonsigu aanu ahayn oo kaliya mid dabar ku noqonaya macaamilka siyaasdeed, balse waxa uu wargeysku hoosta ka xariiqay in uu caqabad ku yahay la macaamilka dunida kale iyo maalgashiga shisheeye.
Dhinaca kale, warbixinta ayaa lagu muujiyey doorka istaraatajiyadeed ee dekeda Berbera taas oo sida lagu xusay loo aqoonsaday xiligan mid ka mid ah dekedaha ugu fiican caalamka, taas oo ahmiyad wayn uleh gobolka quudisana gobolka mandaqada.
Sanadihii u dambeeyey muhiimadda istiraatijiyadeed ee Dekedda Berbera, ayaa si isa soo taraysa waxaa looga aqoonsaday masraxa caalamiga ah mid kamid ah marsooyinka ugu wanaagsan dunida oo walibana ahmiyad weyn ugu fadhida isku xidhka dunida.
Maanta, aqoonsiga Somaliland waxa ay ka caawin kartaa Hindiya in ay hesho saaxiib la isku halayn karo oo ku yaala gobolka istiraatiiji ah oo ay ka buuxaan fursado dhaqaale. Talaabadan noocan oo kale ah kaliya ma kordhinayso saamaynta India ee Geeska Afrika, balse iskaashiga Hindiya iyo Somaliland waxa uu sidoo kale la jaanqaadayaa yoolalka istaraatiijiyadeed si ay wada jir uga hortagaan danaha Shiinaha iyo Pakistan ee gobolka.
Mustaqbalka xidhiidhka Hindiya iyo Somaliland, haddii Somaliland ictiraaf rasmi ah ay hesho, waxa uu leeyahay ballan-qaad weyn. Suurtagalnimada in laga sameeyo saldhigga ciidamada badda Hindiya ee Berbera.
Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu sheegay ahmiyada istaraatajiyadeed dawlada hindiya in ay ka hesho dhinaca Somaliland saldhig milateri oo faa’iido wayn uleh hindiya iyo dunida kale kaas oo suuro galinaya iskaashiga Somaliland iyo Hindiya ee amniga gaar ahaan sugidda khadadka isgaadhsiinta badda ee muhiimka ah iyo kor u qaadista amniga badda.
Marka laga soo yimaado nabadgelyada, sidoo kale iskaashigani Somaliland iyo Hindiya waxa uu horseed u noqon karaa horumarka gobolka, iyada oo India ay kaalin mug leh ka qaadanayso mashaariicda kaabayaasha, tignoolajiyada iyo tamarta ee Somaliland.
Ka-qaybgalka noocan oo kale ah kaliya kuma koobna doorka India ee doorka muhiimka ah ee geopolitics Afrika laakiin sidoo kale waxay kor u qaadaysaa barwaaqada labada dhinac.
Xidhiidhka u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland, oo ku qotoma taariikh gumaysi oo wadaaga, kuna kobcaya is-dhexgalka dhaqaale iyo istiraatijiyadeed ee wakhtigan, waxa uu taagan yahay mid abuuraya kor u kac.
Wargeysku waxa uu ku taliyay isagoo ka duulaya arimahaa in lagama maarman tahay fursada muhiimka ah ee loo bahan yahay in ay hindiya oo ka faa’idaysanaysa dhamaan waxyaabaha aynu ka hadlaynay, Hindiya ay barbar istaagto qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, waxayna hindiya weli haysataa fursad wayn oo ay ku muujiso mawqifkeeda iyadoo ciyaaraysa doorkeeda gobolka taasina waa mid albaabada u furaysa xasilloonida gobolka iyo barwaaqada mustaqbalka dhow ee labada dal ee india iyo Somaliland. laakin taa macneheedu maaha Taageerada Somaliland, Hindiya kaliya ma hagaajinayso kormeerka taariikhiga ah balse waxay sidoo kale istiraatijiyad ahaan iska dhigi doontaa hoggaamiye gobol u taagan marinada isbeddellada juqraafiyeed ee muhiimka ah.
Is-waafajintan qotoda dheer ee taariikhiga ah ee suurtogalka ah ee u dhexeeya Hindiya iyo Somaliland, oo lagu muujiyey qarniyo badan oo ganacsi badda ah iyo xidhiidhka dhaqaale ee casriga ah, waxaanu abuurayaa sheeko ku saabsan iskaashiga iyo isku-tiirsanaanta oo dib u qaabayn karta muuqaalka juqraafiyeed ee Badweynta Hindiya iyo waxii ka baxsan.