Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo Fasax Gelisay Hay’addaha Dowladda

0
573

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa fariin ku aadan munaasinada Ciidul Adxa awgeed u dirtay dhamaan masuuliyiinta shaqaalaha dowladda.

Hay’adda oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa ku wargisay masuuliyiinta hay’addaha dowladda in dhamaan shaqaalaha dowladdu fasax ka yihiin shaqada maalmaha Axada iyo Isniinta oo ah munaasibada Ciidul Adxa.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax uu hambalyo u dirayo shaqaale weynaha dowladda, carruurtooda iyo xaasaskooda, munaasibada ciida awgeed.

War-saxaafadeedka Hay’adda shaqaalaha dowladda, ayaa u dhignaa sidan:-

“Ku: Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL

Ku: Telefishanka Qaranka JSL

Ku: Idaacadda Radio Hargeysa JSL

Og: Madaxweynaha JSL

Ujeeddo: Munaasibadda Fasaxa Ciid Al-Adxa.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Qodobka 64aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr.97/2022, waxa ay ku wargelinaysa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalmaha Axada iyo Isniinta, oo ah munaasibadda Ciid Al-Adxa.

Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu isaga oo ku hadlaya magaca Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan shaqaale-weynaha Qaranka JSL, munaasibadda maalinta Ciid Al-Adxa awgeed waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha dawladda, ehelkooda, xaasaskooda iyo carruurtooda, waxaana uu u rejaynayaa in ay ciidan-ciideeda ku gaadhaan badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta.

F.G: Waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Salaasadda ee ay bishu tahay 18/06/2024.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here