Burco,(HargeisaPress)– Hay’adda Khayriga ah ee Al-Raxma Charity oo ah hay’ad khayriya oo ka qayb qaadata arrimaha khayriga ah, ayaa waxaa ay kaalmo taakulayn ah ay gaadhsiisay deegaano ka mid ah gobolka Togdheer.
Hay’ada Alraxma, ayaa waxaa ay kaalmo biyo ah gaadhsiisay qoysas danyar oo ku nool deegaano hoos yimaada Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, Beya-baxday Dabaraqas iyo Ilimaha.
Kaalmadan biyaha ah oo ka koobneyd laba booyadood, ayaa waxaa ay hay’addu ugu talagashay hay’adda dadka abaaruhu saameeyeen.

















