Hay’adda Al-Raxma oo Ceel-biyood ka Hirgelisay Tuulada Hulka, Degmada Lughaya.

0
316

Saylac (HargeisaPress) – Tuulada Hulka ee hoos tagta Degmada Lughaya ee ee gobolka Awdal, ayaa hadda laga hirgeliyey ceel biyood cusub oo ay fulisay hay’adda Khayriga Ah ee Al-Raxma.

Ceelkan ayaa bulshada deegaanka siinaya fursad ay ku helaan biyo nadiif ah oo joogto ah, taasoo gacan ka geysanaysa horumarinta nolosha iyo caafimaadka dadka deegaanka.

Ceelkan biyoodkan ayaa loo waqfay xusuusta Axmed Yuusuf Dibad, Qaali Xaashi Cilmi, iyo Maxamed Cabdi Axmed, oo dhammaantood geeriyooday.

Hirgelinta ceelkan ayaa ka tarjumaysa dadaalka hay’adda Al-Raxma ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo taageerada bulshada ku nool deegaanada miyiga ah.

Masuuliyiinta hay’adda ayaa sidoo kale bulshada ku dhiirrigeliyey inay ka qayb qaataan ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga ceelkan si waxtarkiisu u sii jiro mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here