Hargeysa (HP): Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku geeriyooday kadib markii uu Musqul/Suuli la dumay xaafadda Sheekh Nuur, ee magaaladda Haegaysa.
Ruuxa geeriyooday oo ahayd hooyo 7 caruura haysatay, isla markaana xaamilo ahayd ayaa xalay niskii danbe uu Suuligu la dumay. Halkaasoo ay ku geeriyootay.
Sida ay sheegeen ciidanka dab-demiska Hargaysa, oo u gurmaday hooyadaasi markii lagu soo war geliyay.
Markii ay maydka hooyadaasi soo saareen ciidanka Dab-demisku waxay ku wareejiyeen ciidanka Danbi baadhista ee CID-da.
Hooyadda ku geeriyootay musqushaasi la duntay ayay ciidamadda dab-demisku ku sheegèen in magaceedu ahaa Samiira Maxamed Cabdiraxmaan.
“Ciidanka Dab-demiska Hargeysa markii qaylo dhaantaa la soo gaadhsiiyay si deg-dega ayuu ciidanku u gaadhay goobtaasi. Waxaana maydka uu ka soo saaray Musqusha.
Gabadha ayaa Quustay musqusha oo buuxday, sidoo kale waxaa iyaduna ku duntay sagbadii” ayaa lagu yidhi warka ay dhacdadaasi ka soo saareen ciidanka Dab-demisku.
Geesta kale ciidanka dab-demiska ayaa bulshadda ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan meelaha godadka, iyo musqulaha duugoobay ah.
Waxaana digniintaasi lagu yidhi, “Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay. 990 Gurmadka deg-dega ah”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.