“Han Siyaasadeed Waan Leeyahay Wakhtigeeda ayaan la Sugayaa.”Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama

0
1120
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Han kiisa Siyaasadeed iyo halka uu gaadhsiisan yahay iyo in uu Mar labaad isku soo sharaxayo Doorashada Golaha Wakiilada.

Maxamed Cali Xirsi oo la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa wax laga waydiiyay xeerarka Xukuumadda dib ugu soo celiso Golaha Wakiilada,waxaana uu sheegay in madaxweynuhu awood u leeyahay in uu dib ugu soo celiyo Baarlamaanka Xeeerarka.

Maxamed Cali Xirsi oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Markasta Golaha Wakiilada waa lagu soo celin jiray Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay uu ku soo celin karo xeerarka Golaha Wakiilada u gudbiyaan Xukuumadda Mudanayaasha Golaha Wakiilada Mooshin bay ku keeni karaan ay ku soo celin karaan Xeerarka aya ansixiyaan,”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dib u dhaca Doorashooyinku uu ka yimaado xaga Xisbiyada Waxaana uu yidhi”mar kasta dib u dhaca Doorashooyinku waxa uu ka yimaadaa Xisbiyada in Koomishanka Doorashooyinka la kala diro Meesha mataalo hadii Koomishanka la kala dirana Doorashada ayaa dib u dhacaysa,”.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in uu han siyaasadeed leeyahay wakhtigeedana la sugayo.waxaana uu yidhi”Anigu han Siyaasadeed waan leeyay laakiin wakhtigeeda ayaan la sugayaa ma ihi Nin dagdagaya,waxaana aan ahay shakhsi sugaya Dumuqraadiyada Somaliland waa ku yuu markaa Khibradna waan u leeyahay Somaliland,”.

Xildhibaanku waxa uu cadeeyay in aanu mar danbe isku soo sharixi doonin Xildhibaanada Golaha Wakiilada.waxaana uu yidhi”Anigu shakhsiyan mar danbe iskuma soo sharaxayo Golaha Wakiilada 12 sano ayaanan ku jiray Golaha Wakiilada,dimuqraadiyadu waxa weeye in dadku is badalaan Baarlamaanku waa in uu noqdaa mid awoodihiisa leh oo gacanta iska taagin uun ay noqdaan xildhibaano matala Gobaladii iyo dadkii soo doortay,”.waana in ay noqdaan dad xeerar curin kara Xidlhibaanada la soo dooranayaa,”.

Sidoo kale Xildhibaanku waxa sheegay in loo baahanyahay in dib u eegis lagu sameeyo xisbiyada Somiland.waxaana uu yidhi”xisbiyadana waa in dib loo eego halka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyada Looga baahan yahay waa xisbiyada walina ma dhisna xisbiyadeenu, hab Beeledkii waynu ka baxnay xisbiyadana waa in dhex dooda tartan ka dhex yimaadaa waliba xisbiga dhacay waa in gudiisa isbadal ka yimaadaa waa in Beelaha darafyada ee gaan waa in ay doortaan siyaasiga codka u keenaya,”.

Khadar Mohamud

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here