Hargeysa (HargeisaPress) –Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Mucaaridka ah ee KAAH ayaa ka hadlay cabasho ka taagan tartanka Horyaalka Gobollada, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Xisbiga wuxuu sheegay in tartanka la rabay in si siman loogu qabto magaalooyinka Gabilay, Togdheer, iyo Ceerigaabo, balse Ceerigaabo uu muran ka taagan yahay halka ay mareen lacagihii loogu talagalay.
Kooxihii ka qayb galay tartanka Ceerigaabo ayaa sidoo kale muujiyay walaac, iyadoo KAAH uu dalbaday in la cadeeyo cidda masuulka ka ah iyo halka ay lacagtu ku dambeysay.
Xisbiga KAAH wuxuu ugu baaqay Hantidhowrka Qaranka in uu si degdeg ah u baadho arrintan, si looga hortago musuqmaasuq.
Gaba-gabadii Xisbiga KAAH wuxuu ka codsaday Wasaaradda Ciyaaraha iyo hay’adaha kale ee la xidhiidha, in ay si cad uga jawaabaan arrintan, cadaaladna la helo.


















