Gudomiye ku xigeenka Banka Dhexe Somaliland oo ka Qayb galay Shir ka Dhacay Dalka Eswatini. + SAWIRRO

0
258

Mbabane,(HargeisaPress) –Wefti ka socda Baanka Dhexe Ee Somaliland oo ku biiray madaxda iyo khubarada maaliyadda ee Afrika oo dhan, isagoo weftigu ka qayb-galaya daahfurka Warbixin Sanadeedka SIIPS 2025 ee dalka Eswatini, oo ay martigelisay AfricaNenda iyo Baanka Dhexe ee Eswatini.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Hamse A. Khaire iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa matalayay Somaliland iyagoo ka qeyb galay doodaha ku saabsan nidaamyada lacag-bixinta degdegga ah ee loo dhan yahay (IIPS) iyo iskaashiga dhinaca Maaliyadda ee Xuduudaha ka gudba (Cross border payment systems)

Isbeddellada Somaliland ee ku saabsan nidaamka lacag-bixinta qaranka, maaliyadda Casrigs ah (Degital), iyo isku xidhka nidaamyada maaliyadeed ee dalka ee uu waddo Baanka Dhexe ayaa xawli ku socda.

Mudada weftiga ku sugan yahay Eswatini waxay shirar gaar ah la geli doonaan wufuud badan oo ka kala socda Afrika iyo Hay’ado kala duwan oo ay Kala sheekaysan doonaan arimo lama huraan u ah Barnaamijka Casriyeynta Baanka Dhexe Ee Somaliland Guud ahaan iyo gaar ahaan Barnaamijka Lacag Bixinta Qaranka ee Socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here