Hargeysa (HargeisaPress) —Xubno ka mid ah Guddi-hoosaadka Golaha Guurtida gaar ahaan Gudida Arimaha Bulshada iyo Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa ayaa, soo kormeeray habsami u socodka barkadaha loogu talogalay in ay caasimada u qaybiyaan Caasimada Hargeysa
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo faahfaahin ka bixiyey kormeerkooda shalay ay ku mareen berkadaha laga wado goobaha kala ah; Buurta Inna Naxar, Gantaalaha, Masalaha iyo Siingo-siingaha oo ku kala yaal cidhifyada caasimadda Hargeysa, isagoo xusay in arrintan qayb ka tahay mashruuca biyo-ballaadhinta.
“Mashruuca magaalada gudihiisu ujeeddadiisu waxay tahay magaaladu inay si simman biyaha u hesho, system-kuna (habkana) u cover-gareeyo (wada daboolo). Markaa magaalada waxa qorsheysan in laga dhiso sagaal berkadood oo cusub, shan waxa dhisaya mashruuca Jarmalka, afarna waxa dhisaya mashruuc ay maalgeliso CocaCola African Foundation, waxayna shaqadoodu bilaabantay muddooyinkii ugu dambeeyey ee ilaa bishii April sannadkan sii dhammaanaya ee 2017,” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Mashruuca CocaCola Africa Foundation ay maalgeliso ee ayna fulinayso shirkaddan Talyaaniga ah ee la yidhaah TS, waxa dhismahoodu bilaabmay oo muddo soo socday afarta barkadood oo ka kala dhisan Gantaalaha, laba ka dhismaya Degmada Axmed-dhagax; Barkadda Ina Naxar ee buurta hoosteeda iyo Barkadda Masalaha ee u dhaw madaarka Hargeysa iyo aaggan waraabin doona, Barkadda kale ee afraadna ay tahay halka Siinga-siingaha. Markaa afartaa barkadood ayey shaqadoodu socotaa, habkii loo dhigayey tuumbooyinkuna wuu ku xigi doonaa.”
Maareeyaha Wakaaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegay in mashruuca biyo-ballaadhintu yahay mid muhiim u ah bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Mashruuca biyuhu runtii, waa mashruuc muhiim ah oo taariikhi ah oo labada xukuumadood ee isaga dembeeya, xukuumaddii KULMIYE ee hore hoggaaminayey Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xukuumadda iminka uu hormoodka ka yahay Md. Muuse Biixi Cabdi Xildiid, runtii taariikhi ayuu noqon doonaa, waanna hawl ballaadhan oo dhibaatooyinkooda iyo culayskeedaba leh. Markaa sannadkii ugu dambeeyey guud ahaan oo aannu ka shaqeynaynay sidii loo soo gebagebayn lahaa mashruuca magaalada dibeddeeda ah ee Geed-deeble, isla mar ahaantaana dib-u-qaabayn loogu sameyn lahaa shaqada wixii dib-u-qaabayn u baahan, sida shirkadihii shaqadu ku adkaatay loo beddel lahaa.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan
“Socodkayagani waxa uu daaran yahay xog-ogaal-u-noqoshadii hore ee aannu qoraal ahaan iyo warbixin ahaan idiinka dhegaysanay in aannu aragno shaqada iminka socotaa halka ay marayso, kolay warbixin ayaannu golaha ku celinaynaa, balse waxa aannu maanta u soconay in aannu sii aragno, si wax la taaban karo shaqadu halka ay marayso waa kii warbixintiina Maareeyuhu na siiyay, aad iyo aad ayaananu ugu mahadnaqeynaa fahamka weyn ee uu naga siiyey. Illaahay ayaanna qiimaha biyuhu leeyihiin ku sheegay kitaabkiisa Qur’aanka,” ayuu yidhi xildhibaanku.