Guddoomiyaha Hay’adda Somliland Oo Ka Warbixiyey Kulan Lagaga Hadlay Sidii Dadka Naafadda Ah Kaabaddaha Dhismayaasha Dalka Meelo Ku Haboon Loogu Sameynlahaa

0
1517

“Waa In Loo Kaca Ol-Olle Iyo Dhawaaq Dheer Oo Dhisteyaasha Iyo Dhiseyaasha Dhismayaasheena Lagu Gaadhsiinayo Hagrashada Inteena Iyo Dadkeena Lixaadka Ka Naafadda Ah” Guddoomiye Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Hargeysa (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle ka Warbixinaayey kulanka isaga iyo Xubno kale oo Haldoorka Somaliland ahi kaga wada tashadeen sidii Muwaadiniinta Somaliland ee Lixaadka ka naafadda ah loogu sameynlahaa Kaabaddo Dhismayaasha Hay’addaha Dawladda iyo STAGE-ska laga hadlo ay uga fuuli karaan dadka naafaddahi loo sameynlahaa.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Qoraal uu ku faahfaahiyey qorshahan wax lagaga qabanaayo dhibta haysata  dadka Naafadda ee Muwaadiniinta reer Somaliland oo carqaladi ka haysato  Gelida Dhismayaasha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Kaabadaha dhaadheer leh, waxaana kulankan kala qaybgalay qaar ka mida dadka Naafadda ee dhibtani haysato iyo Xubno kala ah Jama Musse Jama , Filsan Maxamed Xariir iyo Cabdiqani Dugsiiye iyo Idiris Koox Yare oo Qorshahan wada.

Guddoomiye Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Dhismeyaasheenu waxay Dhaawac qalbi ku yihiin dadkeena inta Laxaadkoodu Dhiman yahay, Kadib kalmado dareen weyn ka dhex abuuray guud ahaan bulshada Somaliland oo uu tiraabteeda lahaa walaalka Mohamed Haldoor oo kasoo qayb-galay kulan ka qabsoomay hall-ka hay’adda shaqaalaha nuxurkiisuna ahaa “waxaan la joogga dadkaygii lakiin ma joogo dalkaygii” kaas oo uu kaga hadlayey hannaanka aan dhismeyaasheena ugu diyaarinay dadka qayb uun kamida “waa kuwa laxaadkooda qaba”

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu inta ku daray “Weedhahaasi waxay si weyn u dhaqaajiyeen walaal walba oo qalbigiisu qoyan yahay waxaana loo kacay ol-olle iyo dhawaaq dheer oo dhisteyaasha iyo dhiseyaasha dhismayaasheena lagu gaadhsiinayo hagrashada inteena naafada ah, -Kadib booqasho ay iigu yimadeen walaalaha Jama Musse Jama , Filsan Maxamed Xariir iyo Cabdiqani Dugsiiye, waxaanu ka hay’ad ahaan bilownay samaynta hilin ay ka fuuli karaan madasha hadalka “stage” ee hall-ka hay’adda shaqaalaha inteena cuddudaha Alle ku Imtixaamay,-Haddaba fadlan qallin iyo qoraal ba kaga qayb qaado in dhawaaqaasi cid walba gaadho sida walaalaha Idiris Tooxyare iyo koox kale u wadaan, Caawi inta Cudduda ka Ciilan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here