Guddoomiyihii hore Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay muranka ka taagan qalabka-indhaha

0
1399

Hargeysa (Hargeisa Press)- Gudoomiyihii hore ee Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-Raac), ayaa waxaa uu ka hadlay muranka xoogan ee ka taagan qalabka nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee Indhaha ee lagu galayo doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Nidaamka qalabka hubinta codbixiyeyaasha ee Indhaha, ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dood xoogan, taasi oo ay si weyn u diidanaayeen qaar ka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Cabdirashiid Riyo-Raac, ayaa waxaa uu sheegay in qalabka nidaamka indhaha uu dan u yahay dalka Somaliland, isla-markaana lagu ogaanayo dadka codaynaya doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dooda xisbiga mucaaradka ee Waddani uu ku diidan yahay in doorashooyinka lagu galo nidaamka hubinta Indhaha.

Wuxuu sheegay in sababta qalabkan hubinta Indhaha loo keenay dalka uu ku yimid cabashadii Musharaxa Xisbiga Waddani ka keenay doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay ee uu ku sheegay in dad dhintay ay codeeyeen.

Qalabkan indhaha ayuu sheegay in uu horumar wanaagsan oo aanay dalalka adduunku gaadhin u yahay Somaliland.

Cabdirashiid Riyo-Raac, ayaa wuxuu sheegay in xisbiyadda diidan qalabkan indhaha ay leeyihiin ujeedo kale oo ay u maraan doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here