Guddoomiye Xinif: “Xisbiga Waddani wuxuu nabad-gelyo darro ka bilaabay Ceel Afweyn..”

0
1736

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa waxaa uu eedayn kulul u jeediyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Guddoomiye Xinif, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu nabad galyodaradii ugu horeysay ka bilaabay deegaanka Ceel Afweyn.

Wuxuu sheegay guddoomiye Xinif in Xisbiga Waddani uu rasaas ku furay shacabka deegaankaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha, ayaa ka digay khatar ku soo waajahan dalka, taasi oo uu ku sheegay in khatartaasi ay tahay xisbiga Waddani.

Wuxuu tilmaamay in dalka laga badbaadiyo xisbiga Waddani, isagoona shacabka u diray baaq ku aadan arrintan.

Guddoomiye Xinif, ayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyay xisbiga Waddani inuu bilaabay olole aan weli ka bilaabmin dalka, waxaanu Guddida Doorashooyinka Somaliland ugu baaqay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here